Muxuu Sameeyey Thiago Silva Markii La Beddelay Kulankii Ay Man City Ku
Kulankii ay xalay Chelsea 1-0 kaga badisay Manchester City ee semi-finalka FA Cup, uguna gudubtay finalka, waxa arrin cajiib ah sameeyey difaaca reer Brazil ee Thiago Silva oo dhaawac lagu saaray daqiiqadihii ugu dambeeyey.
36 jirkan oo ciyaar tayadeedu sarrayso soo bandhigay, ahaana laacibkii labaad ee ugu fiicnaa ciyaartoyda Chelsea ayaa waxa uu dhamaadkii oo waxyari ka hadhsan yihiin uu is qabtay dhabarka, waxaana dhakhaatiirta oo gargaar u fidiyey kaddib uu si toos ah uga baxay garoonka.
Laakiin markii uu ciyaarta ka baxay, Silva ayaa sii watay shaqo kale oo uu ku caawinayo kooxda, gaar ahaan khadka difaaca, mana noqonin mid iska fadhiista oo kursiga kaydka toos u taga.
Laacibka reer Brazil oo intii ay ciyaartu socotay goolkiisa ka joojiyey lix kubbadood oo halis ahaa, laba jeer dhexda ka gooyey kubadda, sidoo kalena ku guuleystay hal taako, ayaa waxa uu dhamaystiray dhamaan baasaskii uu bixiyey oo tiradoodu ahayd 44.
Shantii daqiiqadood ee ugu dambeeyey ciyaarta ee uu dhaawaca ku baxay, laguna beddelay Kurt Zouma, Thiago Silva ayaan hal daqiiqo oo kali ahna daawanin ciyaarta.
Xiddiga reer Brazil ayaa markii uu garoonka ka baxay, waxa uu awoodi waayey in uu daawado daqiiqadihii uu bannaanka joogay oo ahaa kuwo culays badan saarnaa kooxdiisa, waxaanu fadhiistay meel ciyaartoyda kooxdiisa u dhoweyd isagoo wajiga dhulka saaray, isla markaana dhabarka u jeediyey garoonka.
Lama garanayo in uu ducaynayay iyo in uu isagu iskala bixinayay maadaama uu dhabarka dhaawac ka qabay, laakiin markii uu garsooruhu yeedhiyey siidhiga dhamaadka ayuu farxadda lasoo kacay.
Thomas Tuchel ayay guushan xalay u ahayd ciyaartii 13aad ee ay shabaqooda nadiif ka dhigtaan muddadii koobnayd ee uu ahaa macallinka Blues.