Muxuu Kusoo Dhammaaday Kulankii Saaxiibtinimo Ee Uu Carlo Ancelotti
Kooxda Real Madrid ayaa toddobaadkeedii ugu horreeyay ee diyaar garawga ka horreeya xilli ciyaareedka kusoo xidhatay guul ay ka gaadhay kooxda heerka labaad ee Fuenlabrada, kulanka ayaa ka dhacay xerada tababarka Real ee Valdebebas.
Fuenlabrada ayaa kulankaas ciyaartay qaab daafac iyaga oo iska caabin weyn muujiyay balse Real ayaa guul 3-1 ah gaadhay kaddib goolal ay ka kala heshay Victor Chust, Martin Odegaard iyo Mariano Diaz.
Qaar badan oo kamida xiddigaha waaweyn ee Real Madrid ayaan qayb ka qaadan kulankaas maadaama oo ay dalalkooda ku metelayeen tartamadii xagaagan soconayay.
Kulankaas saaxiibtinimo ayaa ahaa mid xiddigaha da’yarta ah iyo kuwa aan dalalkooda matalayn u ahaa fursad ay tababaraha cusub ee Carlo Ancelotti kusoo tusaan waxa ay awoodaan.
Marka laga yimaado ciyaartaas, xiddigaha Madrid ayaa sidoo kale subaxnimadii qaatay laba tababar oo ay ku samaynayeen qaabka loo difaaco iyo qaabka looga faa’idaysto kubaddaha dhintay (Koornooyinka, laadadka xorta ah iyo qaladaadka lasoo dalaco).