Muxuu Ahaa Ficilka Uu Sameeyey Mohamed Salah Ee Ka Cadhaysiiyey

Jamaahiirta Liverpool ayaa aaminsan in Mohamed Salah uu qalad weyn ku sameeyey falcelintii uu sameeyey markii ay dhamaatay ciyaartii Newcastle United ay barbarraha la galeen, markaas oo uu gacmaha kor u taagay isagoo muujinaya saluug uu ku qabo ciyaartoyda kooxdiisa.

Laacibkan ayaa qalbi jab laga dareemayay, waxaanu saydhinayay gacmaha isagoo sii gelaya tunelka garoonka, halkaas oo isagoon cidna la hadal uu degdeg u galay.

Salah oo gool u dhaliyey Liverpool waqti hore oo kulankii Anfield ay kusoo dhoweeyeen Newcastle ayaa waxa kooxdiisa goolka barbarraha ka dhaliyey Willock daqiiqaddii ugu dambaysay, xilli uu garsooruhu u diyaar-garoobayo inuu yeedhiyo siidhiga dhamaadka.

Xiddiga reer Masar ayaa waxa kale oo markii uu garoonka kasii baxayay uu sameeyey in uu sacabka tumo, taas oo jamaahiirta kooxda ku keentay in ay iyaguna u cadhoodaan, falcelintoodana baraha bulshada kusoo bandhigaan.

Qaar ka mid ah taageereyaasha ayaa waxay ku eedeeyeen Salah in kooxdiisa uu guul-darrada ku eedaynayo, isaguna iska dhigayo in uu beri ka yahay.

Tababare Jurgen Klopp oo ciyaarta kaddib warbaahinta la hadlay, ayaa waxa uu sheegay in kooxdiisu ay heshay fursado wanaagsan oo ay goolal ku dhalin karayeen, xilli ay Newcastle difaac ku wada jirtay, laakiin ugu dambayntii lagu dilay fursaddii laga helay.

Klopp ayaa yidhi: “Waxa aanu  abuurnay fursado cajiib ahaa, waxaanu dheelnay ciyaar wanaagsan, waxa aanu waqtigaas gool ka dhalinay koox difaac ku jirta oo siddeed ama sagaal laacib ay diillinta ku xeersan yihiin.”

“Waqti hore ayaanu ciyaarta soo xidhi karaynay laakiin ma aanaan samaynin, ciyaarta ayaanu iyaga kusii haynay, waxa aanu u ogolaanay in ay noolaadaan, dhibaatadayada iyo qaladkayaguba waa taas.

“Haddii aad dayacdo fursadahaaga, sidee ayaad ugu guuleysan karaysaa ciyaar kubadda cagta ah?

“Kaddib nasiib ayaanu u yeelanay in la naga daayo goolka hore oo ay VAR diiday, laakiin waxa aan hubaa in Newcastle aanay u qalmin in ay hesho dhibic, waa hubaal.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More