MUUQAAL: Miyuuna Messi Ahayn Mid Ay Maalin Kasta Arkaan? – Daawo

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa markale muujiyay qaab ciyaareed heer sarre ah kulankii kama dambaysta Copa Del Rey ee ay xallay guusha weyn ka gaadheen dhigooda Athletic Bilbao oo ay 4-0 ku xaaqeen.

Leo ayaa kulankaas kasoo dhaliyay laba gool iyadoo midka hote uu si gaar ah cajiib u ahaa, waxa uu laba jeer kubad isku dhufsasho ah “One-Two” la ciyaaray Frakie De Jong kahor inta uusan xerada ganaaxa ku dhaafin xiddig Bilbao ah ee uusan ubad joog hoose ah dhalinin.

Kulanka kaddib arrinta cajiibka ah ee dhacday ayaa ahayd in inta badan xiddigaha Barcelona gaar ahaan kuwooda da’yarta ahi ay sawirro mid-mid ula galeen Messi iyaga oo muujiyay sida ay qudhoodu u yihiin wiilal yar yar oo taageere u ah marka laga yimaado inay koox wadaag yihiin.

Messi ayaa wakhti adag kusoo qaatay Barcelona sanadihii ugu dambeeyay balse ugu dambayn xalay ayuu markale la kulmay koob dhoola caddaynta usoo celiya.

“Waa wax aad u cajiib ah inaan noqdo kabtanka kooxdan, waa Koob aniga aad gaar iigu ah sababtoo ah aniga ayaa awooday inaan kor u qaado” ayuu yidhi Messi oo ka hadlay dareenkiisa ah inuu kor u qaado koobkiisii ugu horreeyay isaga oo kabtanka Barcelona ah.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Ay Xiddigaha Barcelona Sawirrada Safka Ugu Soo Galeen Messi

They all wanted a trophy picture with Messi ?

(?: @lachainelequipe)pic.twitter.com/OW0V1mi7EO

— B/R Football (@brfootball) April 17, 2021

 

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More