Muslimiinta Manchester United Ee Paul Pogba Iyo Amad Diallo Oo Garab

Xiddigaha Manchester United ee Paul Pogba iyo Amad Diallo ayaa gudaha garoonka Previous Trafford kula soo baxay calanka Falastiin kaddib markii ay dhamaatay ciyaartii ay barbarraha 1-1 kula galeen Fulham.

Labadan ciyaartoy ayaa garoonka oo ay joogaan 10,000 taageereyaal Manchester United ah, waxay dhamaadkii ciyaarta labada dhinac qabteen calanka Falastiin oo xasuuq ay ku hayaan Yuhuudda oo dad badan laysay labadii toddobaad ee ugu dambeeyey.

Manchester United oo kaalinta labaad kaga dhamaysanaysa horyaalka Premier League ayaa kulankeedii ugu dambeeyey xilli ciyaareedkan ku dheeshay Previous Trafford xalay, waxaanay galeen barbarro u beddelay laba guul-darro oo uga horreeyey.

Laakiin natiijada ciyaartaasi kusoo dhamaatay waxa ka xamaasad iyo hadal-haynba batay Paul Pogba iyo Amad Diallo oo labada daraf qabsaday calanka Falastiin xilli ay ciyaartoyda kale ee kooxduna garoonka ka baxayeen.

Xiddiga reer France ee Paul Pogba ayaa kalidii markii hore lasoo baxay calanka Falastiin oo ka babbiyey garoonka dhexdiisa, waxaana kusoo biiray 17 jirka reer Ivory Coast ee Amad Diallo oo dhinaca kale qabsaday calanka.

Pogba ayaa toddobaadkii hore waxa uu taageero u muujiyey shacabka Falastiin ee ay Yuhuuddu duqaynta ku hayso, waxaana qoraal uu bartiisa bulshada ku daabacay uu ku yidhi: “Adduunyadu waxay u baahan tahay nabad iyo jacayl.

“Waxa innagu soo dhow Ciid. Dhamaanteen aynu is jeclaano, aanaynu u ducayno Falastiin.”

Sabtidii ayay garoonka Wembley calanka Falastiin kula soo baxeen Wesley Fofana iyo Hamza Choudhury oo markii ay ku guuleystay FA Cup Leicester Metropolis soo bandhigay calankan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More