Mourinho Oo Saadaaliyay Xulka Ku Guulaysan Doona Euro 2024 Iyo Abaalmarinta Ballon d’Or 2024.

Tababare Jose Mourinho ayaa saadaaliyay kooxda ku guulaysan doonta tartanka Euro 2024 Iyo waliba xiddiga ku guulaysan doona abaalmarinta Ballon d’Or 2024.

Mourinho ayaa aaminsan in xiddiga Real Madrid ee Vini Jr uu ku guulaysan doono abaalmarinta Ballon d’Or sanadka 2024.

Mourinho ayaa la waydiiyay su’aalo dhowr ah oo ku saabsan xulka ku guulaysan doona koobka Euro 2024, xulka kaalinta 2-aad gali doona, xiddiga ku guulaysan doona Gooldhalinta tartanka Euro 2024 Iyo xiddiga ku guulaysan doona abaalmarinta Ballon d’Or.

Mourinho ayaa saadaaliyay in xulka qaranka Portugal ee uu hogaamiyo tababare Roberto Martinez ay ku guulaysan doonaan koobka qaramada Yurub 2024, waxaana kaalinta labaad ku soo bixi doona xulka qaranka England.

Xulalka lama filaanka noqon doona ayuu u saadaaliyay xulalka Italy, Netherlands Iyo Germany.

Xiddiga xulka Egland ee Kane ayuu u saadaaliyay ku guulaysiga xiddiga ugu goolasha badan tartanka Euro 2024.

Mourinho ayaa xiddiga England ee Jude Bellingham u saadaaliyay in uu noqdo xiddiga ugu fiican tartanka.

Ugu dambayn Mourinho ayaa xiddiga Real Madrid ee Vini Jr u saadaaliyay abaalmarinta Ballon d’Or 2024.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More