Morata Iyo Oyarzabal Oo Guul Ku Hoggaamiyey Spain, Kulan Ay Isla

Xulka qaranka Spain ayaa guul wajiyo badnayd ka gaadhay dhiggooda Croatia, waxaanay u gudbeen wareegga siddeedda oo ay kula ballansan yihiin Faransiiska iyo Switzerland midkooda soo gudba.

- Advertisement -

Ciyaartan oo kusoo dhamaatay 5-3 ay guushu ku raacday Spain ayaa waxa waqti hore dabbaal-degtay Croatia kaddib markii uu goolhayaha Spain ee Unai Simon ay ka siibatay kubbad uu usoo dhiibay Pedri, isla markaana iska gashay goolka oo cidlo ah daqiiqaddii 20aad.

Pablo Sarabia ayaa goolka barbarraha u keenay Spain qaybta hore, iyadoo uu xerada ganaaxa ka helay kubbad goolhayaha Croatia soo tufay, taas oo uu shabaqa ku hubsaday, iyadoo qaybta horena kusoo dhamaatay 1-1.

Spain ayaa hoggaanka la wareegtay qaybtii dambe, waxaana kubbad uu soo dhiibay Ferran Torres gool u beddelay difaaca ruug caddaaga ah ee Cesar Azpilicueta, ka hor intii aanu Ferran Torres ku darin gool saddexaad xilli dhamaadka ciyaarta ka dhinnaayeen 13 daqiiqadood.

Xulka qaranka Croatia ayaa si layaableh usoo noolaaday, waxaanay gool labaad la yimaaddeen daqiiqaddii 88aad ee dhamaadka ciyaarta, kaas oo uu u saxeexay Mislav Orsic, waxaana goolkan ka caawisay aaladda gool-sheegta ee qaylisa marka kubaddu laynka dhaafto.

Lix daqiiqadood oo lagu daray ciyaarta ayay Croatia ku xaqiijisay in ay barbarro ka dhigto natiijada, waxaana gool madax ahaa u dhaliyey Mario Pasalic oo difaaca kaga hormaray kubbad uu dhinaca bidix kasoo qaaday Mislav Orsic, waxaanu waqitigii caadiga ahaa ee ciyaartu kusoo dhamaaday 3-3.

Sida sharcigu dhigayo, garsooraha reer Turkey ee Cuneyt Cakir ayaa ciyaarta ku daray 30 daqiiqadood oo dheeraad ah, waxaana bilowgiiba halis galay goolka Spain oo Croatia ay u dhowaatay inay hoggaanka qabsato, laakiin waxa ka diiday goolhaye Unai Simon oo isagoo dhulka jiifa kubadda lugta kusoo celiyey.

Daqiiqaddii 100aad ayuu weeraryahanka abaarta gool la’aantu haysay ee Alvaro Morata gool u dhaliyey xulka qaranka Spain, isagoo si fiican u maamulay kubbad uu dhinaca midig kasoo qaaday Daniel Olmo, kaddibna laag awood badan ku dhaafiyey goolhayaha.

Saddex daqiiqadood oo kaliya kaddib ayay Spain ciyaarta ka dhigtay 5-3 waxaana goolkan oo dilay rajada Croatia u dhaliyey Mikel Oyarzabal oo sidii goolkii hore oo kale uu kubaddan soo dhiibay Daniel Olmo.

Spain ayaa usoo gudubtay wareegga siddeedda, waxaanay la ciyaari doonaan France iyo Switzerland midkooda soo gudba.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More