Mohamed Salah Oo Daboolka Ka Qaaday In Liverpool Aanay Kala Hadal
Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa xaqiijisay in aanay wali kooxdiisa isku soo horfadhiisanin wada-hadallo lagu kordhinayo heshiiskiisa hadda ee sii dhamaanaya.
Mohamed Salah ayaa qandaraaska uu kula jiro Liverpool waxa uu dhacayaa xagaaga 2023, waxaana hore uu u tibaaxay in uu diyaar u yahay in uu iskaga tago Anfield, iyadoo bishii April uu yidhi: “Wax waliba approach dhici karayaan, waanaynu eegi doonaa mustaqbalka.”
Laacibka reer Masar oo lala xidhiidhinayo kooxaha Actual Madrid iyo Barcelona, ayaa waraysi uu siiyey Sky Sports activities waxa uu ku sheegay in aanay wax wada-hadal ah yeelanin Liverpool, si qandaraaskiisa lavatory kordhiyo, wxaanu yidhi: “Qofna igalama hadal taas, markaa wax badan kama odhan karayo.
“Ma jiro qof kooxda ah oo igala hadlay wax,mana garanayo garanayo (sababta).”
Salah oo guulo badaan la gaadhay Liverpool, lana qaaday Champions League, horyaalka Premier League iyo FIFA Membership World Cup, waxa uu tibaaxay in uu ku hamiyayo in uu koobab kale la qaado Liverpool, waxaanu yidhi: “Hore ayaan u sheegay, in aan doonayo in aan mar l;abaad ku guuleysto Premier League, waxaan doonayaa in aan mar labaad ku guuleysto Champions League.
“Guushu waa wax wanaagsan, waxaan isku dayaa in aan guuleysto mar labaad iyo mar labaad. Shaqadayada ayay ka mid tahay in aanu guuleysano.”
Mohamed Salah ayaa saamayn badan ku yeeshay Liverpool tan iyo markii uu kaga soo biiray Roma sannadkii 2017kii, waxaana 198 ciyaarood oo uu u saftay uu u dhaliyey 123 gool, laakiin xilli ciyaareedkan ayay niyad-jab ku jirtaa kooxdiisu iyagoo qarka u saaran in ay ka maqnaadaan tartanka Champions League ee xilli cicyaareedka dambe.
Si kastbaa, Salah ayaa ku tartamaya kabta dahabka ah ee gool-dhalinta, waxaanyu saxeexay 20 gool iyadoo uu hal gool ka dambeeyo Harry Kane oo dhaliyey 21 gool.