Miyuu Xulka Talyaanigu Cabsi Ka Qabaa Inuu England Kula Ciyaarayo

Daafaca dhexe ee xulka qaranka Talyaaniga ee Leonardo Bonucci oo kamida xiddigaha dalkiisa kuwooda ugu khibrada badan ayaa ka hadlay Final-ka Euro 2020 ee ay habeen dambe la ciyaarayaan England.

Bonucci ayaa shaaca ka qaaday in xulkiisa Talyaanigu uusan cabsi ka qabin xulka lagu naanayso saddexda libaax oo isagu haysta faa’idada ah in lagu ciyaarayo dalkiisa gaar ahaan gegida Wembley Stadium ee magaalada London.

Bonucci ayaa ah mid ku jira xaalad kalsooni leh xilli xulka Azzurri uu isku diyaarinayo Final-kii labaad ee saddex Euro gudahood maadaama oo ay sanadkii 2012 u waayeen koobka dhigooda Spain.

Leonardo ayaa yidhi isaga oo ka hadlaya haddiiba ay England oo dalkeeda joogta ka cabsi qabaan “Inaanu England kula ciyaarno dalkooda anaga nama cabsi gelinayso”

“Guusha suurogalka ah ee aanu Axada gaadhi karnaa muhiim ayay u noqon lahayd kubadda cagta Talyaaniga, dhammaan ciyaartoyda, xidhiidhka iyo waxa ay ka dhignaan lahayd kaddib dhawr sano oo adag”

Bonucci ayaa ahaa mid ku hadlayay qaab maqal iyo muuqaal ah kaddib markii xidhiidhka kubadda cagta dalkiisu u xidhay xeradoodii tababarka kaddib markii mid kamida saxafiyiinta ka ag dhawaa laga helay xanuunka Korona Fayras walow uusan isagu wax xidhiidh ah la samayn xiddigaha xulka.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More