Miyuu Firmino Cadaw U Arkaa Diogo Jota Oo Ku Cidhiidhinaya
Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Roberto Firmino ayaa ka hadlay sida uu u arko xiddiga ay boos wadaaga yihiin ee Diogo Jota oo suuqii xagaaga usoo wareegay dhinaca Anfield oo uu kaga yimid kooxda Wolverhampton Wanderers.
Jota ayaa qaab cajiib ah ku bilawday noloshiisa Liverpool tan iyo markii uu heshiiska 41-ka Milyan ee Pound ah ugu soo biiray isaga oo 11 kulan oo uu u ciyaaray toddoba gool kusoo dhaliyay.
Diogo Jota ayaa qaab ciyaareedkaas cadaadis ku saaraya weeraryahanka ree Brazil oo hore weerarka lamaane ugula soo ahaa Sadio Mane iyo Mohamed Salah.
Haddaba, Firmino oo 12 kulan oo uu xilli ciyaareedkan u ciyaaray Liverpool kaliya 1 gool kusoo dhaliyay ayaa sheegay inuusan wax dagaal shaqsiyeed ahi kala dhaxaynin Jota isla markaana uu tababaruhu doorto cida ciyaaraysa.
Bobby oo arrimaha Jota ka hadlaya ayaa yidhi “Liverpool waxay haysataa saf ciyaartoy ah oo cajiib ah, sidaas darteed inaad boos halkan ka heshaa maaha wax sahlan gabi ahaanba, aniguna boos ayaan soo haystay”
“Diogo waa ciyaaryahan cajiib ah iyo xiddig kale oo aanu kooxda ka wada tirsanahay, si adag ayaanu u shaqaynaa toddobaadka dhexdiisa kaddibna tababaraha ayaa go’aansada cida ciyaaraysa sidaas darteed anigu wax dagaal shaqsiyeed ah isaga kulama jiro”
“Safka weerarka Liverpool waa mid cajiib ah, waxaanan odhan lahaa waxa uu u dhigmaa weerar kasta oo dunida ah oo ka ciyaara horyaal kasta oo muhiim ah”