Miyuu Abuuray Dooddii Iyo Murankii Lagu Yaqaanay? Jose Mourinho Oo

Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa magacaabay difaaca ugu wanaagsan dunida waqtiga, kaas oo uu amaan kula dul-dhacay.

Mourinho oo dhowaan loo magacaabay tababaraha Roma ayaa bixiyey waraysi uu kaga hadlay arrimo badan oo uu ka mid yahay tartanka Qaramada Yurub, waddanka ay la tahay in uu guuleysanayo iyo kuwa uu culayska ugu badan saaran yahay, sida aad ka akhrisan karto warbixintii aanu galabta daabacnay.

Jose Mourinho oo looga bartay in uu abuuro doodo, lagana gunto hadallo khilaaf abuura ayaa  waxa uu doorkan u muuqdaa mid xaqiiqada ku fadhiya oo aan wax muran ah abuurayn, sababtoo ah, waxa uu soo xushay difaac uu ku sheegay in uu yahay kan ugu wanaagsan dunida waqtigan oo ay dad badan ku waafaqsan yihiin, marikhaatiga ugu horreeyaana u yahay Premier League oo iyaguba u doortay xiddigaugu fiican horyaalkaas.

Difaaca reer Portugal ee Ruben Dias ayaa uu Jose Mourinho sheegay in uu yahay difaacyahanka ugu wanaagsan kubadda cagta waqtigan, waxaanu dul-istaagay saamaynta uu 24 jirkani ku yeeshay Manchester City xilli ciyaareedkii tegay oo uu waliba ku cusbaa.

Dias ayay Manchester City £65 milyan oo Gini kagala soo wareegtay Benfica xagaagii hore, waxaana uu u saftay 32 kulan oo horyaalka Premier League ah.

Jose Mourinho oo ka hadlayay laacibkan ayaa yidhi: “Ruben Dias waa difaaca ugu wanaagsan adduunyada waqtigan. Tegistiisii Premier League ee Manchester City, waxa uu ku helay cilmi heer kale oo ka duwan.

“Waa difaac dhexe oo heersare ah. Waxa uu ku xigayaa oo uu ka garab ciyaarayaa Pepe oo 38 jir ah khibrad badanna uu ka helayo.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More