Messi, Maradona, Aguero: Waa Kuma Xiddiga Ugu Safashada Badan Xulka

Lionel Messi wuxuu dhigay rikoodho meel walba oo uu ka ciyaaro, xataa kama badbaadin xulka qarankiisa Argentina.

Waayihiisa ciyaareed ayaa isku darsaday mid goolal iyo safashada kulamo tiro badan, waxaana ka caawiyey hibadiisa dabiiciga ah iyo dhaawacyo la’aanta.

Laacibkan ayaa hadda ku sugan waddanka Brazil isagoo qayb ka ah ciyaartoyda xulka qaranka dalkiisa ee ka qayb-gelaya tartanka Qaramada Latin America ee Copa America, waxaanu ku dedaalayaa inuu rumeeyo riyadiisa ah inuu tartankan kula guuleysto waddankiisa.

Xulka qaranka Argentina ayaa wali ka sugaya inuu la gaadho guulo waaweyn oo uu ku hoggaamiyo Koobka Adduunka 2014 iyo Copa America.

Haddaba, halkee ayuu kaga jiraa liiska ciyaartoyda ugu safashada badan xulka qaranka Argentina?

Kulankii xalay ay 1-0 kaga badiyeen Paraguay ee ay ugu gudbeen wareegga labaad ee tartanka Copa America, Lionel Messi ayaa soo qabtay rikoodhkii safashada ee Javier Mascherano oo ahaa ciyaartoyga ugu safashada badan xulka qaranka Argentina.

Kulanka soo socda, waxa taariikhda isku qori doona Messi oo noqon doona ciyaartoygii ugu safashada badnaa waddankiisa, iyadoo uu horena u ahaa laacibka ugu goolasha badan qarankaas.

Halkan ka akhriso 25ka ciyaartoy ee ugu safashada badan Argentina:

25. Alberto Tarantini (61 kulan)

24. Marcos Rojo (61)

23. Osvaldo Ardiles (63)

22. Hernan Crespo (64)

21. Ever Banega (65)

20. Daniel Passarella (70)

19. Americo Gallego (73)

18. Gabriel Heinze (73)

17. Juan Pablo Sorin (74)

16. Juan Sebastian Veron (75)

15. Gonzalo Higuain (75)

14. Nicolas Otamendi (76)

13. Carlos Tevez (76)

12. Gabriel Batistuta (78)

11. Ariel Ortega (90)

10. Diego Maradona (90)

9. Sergio Romero (96)

8. Oscar Ruggeri (96)

7. Sergio Aguero (98)

6. Angel Di Maria (106)

5. Diego Simeone (108)

4. Roberto Ayala (116)

3. Javier Zanetti (143)

2. Javier Mascherano (147)

1. Lionel Messi (147)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More