Mbappe Cusub Oo Dunida Soo Galay & PSG Oo Heshay Hubkii Ay Ku Ilaashan

Waa 15 jir fagaareyaasha soo galay, waxaanu saxeexay heshiis saddex sannadood ah oo uu kaga mid ahaanayo kooxda uu walaalkii xiddiga ka yahay. Hore waxaad ugu aragteen sawirkiisa isagoo garab taagan xiddig weyn oo sannado kooban adduunyada isku baray.

Ethan Mbappe oo ay walaalo yihiin Kylian Mbappe ayaa saxeexay heshiis shan sannadood ah oo uu Paris Saint-Germain kaga mid noqonayo.

PSG ayaa shalay si rasmi ah ugu soo bandhigtay warbaahinta saxeexa Ethan Mbappe oo ay u weynaynayso si ka badan ciyaartoyda kale ee da’yarta, waxaanu qayb ka noqonayaa kooxda da’yarta iyadoo heshiiskiisuna soconayo illaa 2024.

Kooxda reer France ee PSG waxa kale oo ay la saxeexatay ciyaartoy kale oo da’yar ah oo lagu magacaabo Senny Mayulu oo dhashay sannadkii 2006.

Muxuu ka dhigan yahay saxeexa Ethan Mbappe?

Taageereyaasha PSG ayaa markii kooxdoodu ku dhawaaqday heshiiska Ethan Mbappe waxay rumaysteen in ay sii haysanayaan Kylian Mbappe oo uu ay tani tahay xeelad ay Paris ciyaarayso si ay heshiis cusub uga saxeexato Mbappe.

Mbappe oo ay da’diisu tahay 22 jir ayuu sannad kali ahi ka hadhsan yahay qandaraaskiisa PSG, walina la islama gaadhin qandaraas cusub, hase yeeshee waxay kooxdu niyad-samaan badan ka qabtaa in uu heshiiska kordhin doono oo uu sii joogayo kooxda uu walaalkiina qaybta ka noqday.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More