Maxaad Ka Taqaanaa Qoyska Xiddiga Cusub Ee Manchester United Raphael

Taageeraha ugu weyn ee uu leeyahay saxiixa cusub ee Manchester United Raphael Varane waa xaaskiisa Camile Tytgat.

Daafaca Faransiiska oo 28 sanno jir ah ayaa ogolaaday inuu ku biiro Manchester United ka dib markii uu heshiis dhexmaray Shayaadiinta Cas Cas iyo Real Madrid.

Waxaa safarkiisa cusub kula soo biiraya xaaskiisa taasoo mar walba la arko iyadoo garoonka ku taageereysa marka uu u dheelayo xulka France.

Camile iyadana waa 28 sanno jir, waxay Varane isku barteen dugsiga sarre, waa qareenad, waana hooyo dhashay labo caruur ah oo lagu magacaabo Ruben iyo Anais.

JACEYLKII DUGSIGA SARRE

Jaceylka Varane iyo Camile waxa uu ka soo bilowday sannadkii 2010 markaasoo ay dhiganayeen dugsi sarre.

Waxay ku soo barbaareen magaalada Lille ee dalka Faransiiska ka hor inta uusan waayihiisa kubada cagta ka bilaabin kooxda Lens.

Jaceylkooda wuxuu maray imtixaanka waqtiga, waxayna isguursadeen sannadkii 2015.

QAREENAD TABABARAN

Camile waa ay ka duwan tahay xaasaska ciyaartoyda kale oo inta badan moodalo ah ama ku tiirsan dhaqaalaha ragooda.

Waxay jamaacada ka bartay madaada sharciga ka hor inta aysan noqonin xaaska ciyaaryahan.

Inkastoo ay ka dhigto nolosheeda mid u gaar ah, hadana Camile waa qareenad tababare oo sharciga ku shaqeysata.

HOOYADA LABA CARUUR AH

Waxay Varane u dhashay labo caruur ah, wiil lagu magaabo Ruben oo afar sanno jir ah iyo gabar lagu magacaabo Anais oo dhalatay bishii October ee sannadkii la soo dhaafay.

Inta badan waxay sawirada caruurteeda soo dhigtaa Instagram, iyagoo ku ciyaaraya xeebta ama xiran dhar isku wada midab ah.

Marka la eego sida qoyskaan ay u garab taagan yihiin aabahooda caanka ah, ma noqon doonto waqti dheer iyo Camile iyo caruurteeda lagu arko Old Trafford xilli ciyaareedka soo socda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More