Manchester United Oo Xaqiiqsatay In Harry Maguire Uu Dhaawac Kaga

Ole Gunnar Solskjaer ayaa ugu dambayn qirtay in aanay kooxdiisu heli doonin kabtankeeda Harry Maguire kulanka ugu dambeeya xilli ciyaareedakn ee finalka Europa League ee toddobaadka dambe.

Maguire ayaa ka dhaawacmay kuraanta kulankii ay Manchester United 3-1 kaga badisay Aston Villa, waxaana hadda soo dhamaanaysa rajadii laga qabay in uu ciyaarta kasoo gaadhi doono.

Solskajer ayaa xaqiijiyey in weeraryahanka reer France ee  Anthony Martial oo garoomada kaga  maqnaa dhaawac jilibka ah tan iyo March 28, ay hubaal tahay in aanu kasoo kaban karin dhaawacaas oo isaguna uu ka maqnaanayo ciyaarta finalka Europa League ee Arbacada ay kula ballansan yihiin Villarreal oo ay ku wada ciyaari doonaan Gdansk.

Tababaraha oo maanta la hadlayay warbaahinta ayaa waxa la weydiiyey xaaladda dhaawac ee ciyaartoyda kooxdiisa, ayaa marka hore soo qaaday Harry Maguire, waxaanu yidhi: “Wuu shaqaynayaa laakiin jid dheer ayaa u dhexeeya socodka illaa orodka.

“Haddii aan si daacad ah u hadlo, ilama aha in aynu ku arki doono Gdansk, laakiin wuxuu haystaa ilaa habeenka Salaasada oo tababarka ugu dambeeya ay kooxdu samaynayso. Waa ku degdeg, waxaanse hubaa in uu horumar samaynayo, dhaawaca kuraantuna waqti ayuu qaataa in laga soo kabto.”

Waxa kale oo uu ka hadlay Anthony Martial, McTominay iyo Fred oo iyaguna dhaawac ah, waxaanu yidhi: “Anthony lama heli karayo kulankaas {waa dhaawac}, laakiin Scott McTominay iyo Fred ayaa caadi noqonaya.”

Xataa haddii aanu Maguire ciyaarayn, Solskjaer ayaa sheegay in uu qayb weyn ka qaadan doono qolka lebbiska oo uu ciyaartoyda ka hagi doono kursiga kaydka, waxaanu yidhi: “Harry aad ayuu muhiim ugu yahay qolka lebbiska shaqsi ahaan, waana hoggaamiye. Ka hor intii aanay taageereyaashu soo laabanin, waxa aad dhawaaqiisa ka maqlaysay dusha sare ee garoonka.

“Waxa uu doonayaa in kooxdu si fiican u ciyaarno, wuxuu dusha sare ka abaabulayaa kooxda, wayna fududahay in la maqlo. Wuxuu hubin doonaa qof walba in uu diyaar u noqdo finalka.”

Dhaawacan Harry Maguire waxa uu walwal ku hayaa tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate oo laacibkani tiir-dhexaad u noqonayo difaaca xulka qaranka ee tartanka Euro 2020 ee horraanta bisha June bilaabmi doona.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More