Manchester United Oo Xaqiijisay Waqtiyga Ay Soo Laabanayaan Pogba,

Labada xiddig ee khadka dhexe uga ciyaara Manchester United ee Bruno Fernandes iyo Paul Pogba ayaa ka maqnaan doona kooxdaas toddobaad kale, xilli uu kaabiga soo saaran yahay horyaalka Premier League oo ay ka hadhsan yihiin saddex toddobaad.

Fernandes iyo Pogba ayaa ku kulmay tartanka Euro 2020 oo ay labadooda waddan ba kaga hadheen wareegga 16ka saddex toddobaad ka hor, laakiin waxay galeen fasaxyadoodii xagaaga, taas oo meesha ka saartay inay kusoo laabtaan tababarka. Pogba ayaa ku sugan waddanka Maraykanka oo uu fasaxiisa ku qaadanayo, gaar ahaan Florida. Fernandes ayaa isaguna tegay waddankiisa Portugal, laakiin waxa uu kubbad sameeyahani go’aansaday in uu soo gaabiyo fasaxiisa oo uu tababarka la qaato kooxdiisii carruurtnimada.

United ayaa bilowday kulamadeeda saaxiibtinimo ee ay iskugu diyaarinayso xilli ciyaareedka, waxaanay Axaddii ku faratay Derby COunty oo ay kaga badisay 2-1, iydoo Sabtidana u tegi doonta QPR. Toddobaadka xiga ayay Manchester United ku qaadan doontaa Pennyhill Park oo ay ku samayn doonto tababarka.

Anthony Martial iyo Donny van de Beek oo labadii usbuuc ee ay kooxdoodu tababarka samaynaysay aan kasoo xaadirin ayaa la filayaa inay yimaaddaan toddobaadkan.

Weeraryahanka reer France ee Martial ayaa dhaawac jilibka ah ku seegay tartanka qaradama Yurub, waxaana ugu dambaysay in garoomada lagu arko March 28, halka Donny van de Beek oo lagu daray xulka qaranka Netherlands ee ka qayb-galay Euro 2020 laga saaray markii uu dhaawac soo gaadhay.

Solskjaer oo ka hadlay labadan ciyaartoy ayaa sheegay in aanay wali diyaar ahayn oo ay sugayaan illaa  inta ay taam ahaansho buuxa  helayaan, waxaase xaqiijiyey in ay Isniinta kusoo laaban doonaan tababarka.

Fernandes iyo Pogba ayaa uu iyagana sheegay in fasaxoodii uu ka hadhsan yahay toddobaad, ayna soo laaban doonaan usbuuc kaddib.

Van de Beek, Martial, Fernandes iyo Pogba ayaa seegi doona ciyaarta saaxiibtinio ee Brentford ee July 28 ka dhici doonta garoonka Old Trafford iyo Preston Northe End oo July 31 ay isla garoonkan kula ciyaari doonaan, laakiin waxa la filayaa inay qayb ka noqon doonaan kulanka ugu dambeeya ee ay ciyaaraha saaxiibtinimo kusoo xidhanayso Red Devils ee August 7 oo ay ballansan yihiin Everton.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More