Falastiiniyiinta Oo Ku Farxay Go’aan Cusub Oo Ay Qaadatay Barcelona &

Xidhiidhka kubaddacagta Falastiin ayaa farxad kusoo dhoweeyey go’aan cusub oo ay qaadatay Barcelona, kaas oo ah inay ka laabato go’aan hore oo ay xataa ka mudaharaadeen.

Kooxda reer Spain ayaa ku dhowaatay inay lumiso taageereyaasheeda Falastiin iyadoo ka farxinaysa Yuhuudda oo ay waliba u hiilinaysay, laakiin go’aankaas ayaa hadda ay ka noqotay, waxaana farxad iyo rayn-rayn kusoo dhoweeyey Falastiiniyiinta.

Barcelona ayaa qorshaheedu ahaa in ay kusoo ciyaarto magaalada Barakaysan ee Quddus ee ay xoogga ku qabsadeen Yuhuuddu marka ay taariikhdu tahay August 4, laakiin kooxda ayaa joojisay ciyaartaas kaddib markii ay cadho badan ka hor keeneen shacabka Falastiin.

Blaugrana ayaa ka dalbatay kooxda Yuhuudda ah ee ay ballansanaayeen in ay beddesho garoonka iyo magaalada lagu ciyaarayo intaba, isla markaana aanay ugu tegaynin magaalada Quddus, laakiin kooxda Yuhuudda ayaa diidday inay beddesho, taas oo keentay in Barcelona ay gebi ahaanba kansasho ciyaartaas.

Madaxa xidhiidhka kubadda cagta Falastiin ee Jibril Rajoub ayaa warqad uu u diray Madaxweynaha Barcelona waxa uu ku amaanay go’aanka ay qaateen.

“Xidhiidhka kubadda cagta Falastiin wuxuu ku faraxsan yahay go’aanka Barcelona ee ah inay ixtiraamto xuquuqda PFA iyo malaayiin taageereyaal ah oo ku faraxsan.” Ayuu Jibril Rajoub ku yidhi warqadda uu u diray Barcelona.

Moshe Hogg oo ah mulkiilaha kooxda Beitar Jerususalem ee ay Barcelona wada-ciyaari lahaayeen ayaa sheegay in aanay kooxdiisu bilaabin u diyaar-garowga ciyaartan kaddib markii ay Barcelona codsatay in magaalo kale loo raro kulanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More