Manchester United Oo Ka Aargudatay Tottenham, Ole Oo Dhulka Dhigtay
Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa guul soo laabasho ah ka gaadhay Tottenham oo ay marti u ahayd, waxaanay kaga soo aargudatay khasaarihii bilowgii xilli ciyaareedka loogu geystay Old Trafford.
- Advertisement -
Manchester United oo gool lagala hormaray ayaa 3-1 ku garaacday Tottenham, waxaana dhamaan goolasha Red Devils ay yimaaddeen qaybtii dambe ee ciyaarta.
Son Heung-min daqiiqaddii 40aad ee ciyaarta gool ku aftaxay kulanka, iyadoo uu kubbad goolka loo hordhigay ku garaacay goolhaye Henderson, kaas oo yimid saddex daqiiqadood kaddib markii ay VAR meesha ka saartay gool ay Manchester United la hormartay.
Manchester United ayaa qaybtii dambe wacdaro dhigtay, waxaana goolka barbarraha u dhaliyey Fred daqiiqaddii 57aad iyadoo uu goolka ku celiyey kubbad uu soo tufay Hugo Lloris oo marka hore uu toogtay Edinson Cavani.
Goolka labaad ee Manchester United waxa madax iskula daadiyey Edinson Cavani oo ciyaarta oo dhan laf-dhuungashay ku ahaa Spurs, isla markaana saxeexay goolkii hore ee ay VAR diidday.
Ciyaarta oo sii dhamaanaysa ayay Manchester United goolka saddexaad ku niyad-jabisay Spurs, waxaana u dhaliyey Mason Greenwood oo beddel kusoo galay.
Kaddib natiijada ciyaartan, Manchester United ayaa soo yaraysay farqiga dhibcaha ay Man City hoggaanka ku hayso, waxaanay ka dhigtay 11 dhibcood, iyadoo sidoo kalena xoojisatay booskeeda kaalinta labaad ee horyaalka, waxaanay toddoba dhibcood ka horreysaa Leicester City oo saddexaad fadhida, maantana guul-darro xanuun badan kala kulantay West Ham United.
Shaxdii labada kooxood
MANCHESTER UNITED (4-2-3-1): Dean Henderson; Aaron Wan-Bissaka, Victor Lindelof, Harry Maguire, Luke Shaw; Scott McTominay, Fred; Bruno Fernandes, Paul Pogba, Marcus Rashford; Edinson Cavani.
Kaydka: David de Gea, Juan Mata, Mason Greenwood, Amad Diallo, Alex Telles, Axel Tuanzebe, Nemanja Matic, Brandon Williams, Donny van de Beek.
TOTTENHAM (4-2-3-1): Hugo Lloris; Serge Aurier, Joe Rodon, Eric Dier, Sergio Reguilon; Tanguy Ndombele, Pierre-Emile Hojbjerg; Giovani Lo Celso, Lucas Moura, Son Heung-min; Harry Kane.
Kaydka: Toby Alderweireld, Harry Winks, Gareth Bale, Erik Lamela, Joe Hart, Moussa Sissoko, Dele Alli, Japhet Tanganga, Carlos Vinicius.
Jose Mourinho ayaa saddex beddel ku sameeyey safkii uu kula ciyaaray Newcastle United toddobaadkii hore ee barbarraha ay galeen, waxaana uu keenay Aurier oo beddelay Tanganta, Dier oo buuxiyey booska Davinson Sanchez iyo Son oo booska kala baxay Son.
Ole Gunnar Solskjaer ayaa isaguna afar beddel ku sameeyey shaxdii uu kula ciyaaray Granada Khamiistii, waxaanu keenay Cavani oo beddelay Greenwood, halka Henderson uu kusoo bilowday goolka, Fred oo kaalintii James soo galay iyo Pogba oo ka garab ciyaaray Fernandes iyo Rashford.
Tottenham ayaa weerar degdeg ah samaysay bilowgiiba, waxaana kubbad ay isku dhiibeen Lo Celso iyo Son ay u gudbiyeen Lucas Moura oo isaguna toogashadiisii uu isku dhigay Shaw oo birta dul-mariyey.
Labada kooxood ayaa si adag ugu dagaallamay khadka dhexe, iyadoo difaacooduna heegan ku jireen.
Edinson Cavani ayaa daqiiqiiqaddii 36aad jabiyey difaaca Tottenham, isla markaana dhaliyey gool qurux badan oo uu kasoo shaqeeyey Scott McTominay, hase yeeshee markii ay dabbaal-degga dhamaysteen ayaa garsooraha lagala soo hadlay qolka VAR iyadoo loo sheegay in Son oo dhulka yaallay uu dhirbaaxo ku dhuftay McTominay ka hor intii aanu kubadda dhiibin, waxaana sidaas meesha loogaga saaray goolka.
GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!!! Son ayaa hoggaanka u dhiibay Tottenham saddex daqiiqadood kaddib markii la diiday goolka Manchester United ee isaga qaladka lagu galay, waxaana kubbad uu dhexda ka tuuray Tanguy Ndombele ay lugta u gashay Harry Kane oo taabasho kaliya ugu dhiibay Lucas Moura oo isaguna goolka u hordhigay Son oo lugta bidix ku dhaliyey.
Qaybta hore ayaa kusoo dhamaatay 1-0 ay guusha la nasatay Tottenham.
Manchester United ayaa markii lagu soo noqday qaybta dambe, waxay soo bandhigtayy ciyaar tayadeedu sarrayso, iyadoo dhinac walba kaga wanaagsanaatay Tottenham.
Aaron Wan-Bissaka ayaa ku dhowaaday in uu soo taabto shabaqa Spurs waqti horeba, laakiin Lloris ayaa badbaadiyey isku-dayga.
Paul Pogba ayaa daqiiqado yar kaddib khasaariyey kubbad loogu dhiibay xerada ganaaxa dhexdeeda, waxaana baaska oo uga yimid Wan-Bissaka uu isku dayey in uu cidhib ku dhaliyo, laakiin difaaca ayaa daba-taagnaa.
GOALLLLLLLLLLLLLLLLL!!!!! FRED ayaa soo nooleeyey Manchester United, kana dhigay 1-1!!! Red Devils ayuu goolka barbarraha u keenay Fred oo ay dhif tahay in la arko isagoo goolal dhalinaya, waxaana uu shabaqa ku ruxay kubbad uu goolka ku toogtay Cavani oo uu iska soo celiyey Lloris, halkaas ayaanay Red Devils ugu dabbaal-degtay goolka barbarraha.
Fernandes ayaa kubbad kale oo awood badan ku toogtay goolka Tottenham, waxaanu goolhaye Lloris u saaray koorna, ka hor intii aanay kooxdiisu khasaarinin fursado kale.
GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!!!! Edinson Cavani!!!! Manchester United ayaa hoggaanka ciyaarta la wareegtay daqiiqaddii 79aad, waxaana kubbad uu dhinaca midig kasoo qaaday Mason Greenwood madax ku qabtay Edinson Cavani oo goolhaye Lloirs u diiday fursad uu ku joojin karo kubadda.
Tottenham ayaa weerar culus kaga jawaabtay, waxaanay soo garaaceen birta, hase yeeshee waxa halgan la galay goolhaye Dean Henderson oo muujiyey sababta uu Ole Gunner Solskjaer uga doortay David Dea Gea.
Daqiiqaddii 96aad ee waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta ayay Manchester United heshay goolka saddexaad ee ciyaarta, waxaana u dhaliyey Mason Greenwood oo beddel kusoo galay, isla markaana xerada ganaaxa uu Paul Pogba ugu dhiibay kubadda.
Edinson Cavani ayaa ciyaartan looga diiwaangeliyey rikoodh cajiib ah, waxaanu noqday ciyaartoyga labaad ee goolasha ugu badan ku dhaliyey madax horyaalka Premier League isagoo saxeexay shan gool oo madax ah. Kaliya Calvert-Lewin oo Everton ah oo lix gool madax ku dhaliyey ayaa ka badan.