Skip to content
Sunday, September 13, 2026 30 Rabi al-Awwal 1448 AH Maghrib 17:58
Muqdisho 26°C
Breaking: Mudulood Clan Elders Apologize for Killing SNA Soldier in Middle Shabelle
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

ManUnited ‘waxay dhaadhicisay qiimaha ay ku dooneysay Paul Pogba, kaliya 53 milyan oo ginni’

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Manchester United ayaa go’aan ka gaadhay mustaqbalka laacibkeeda khadka dhexe ee Paul Pogba oo ay diyaar u noqonayso inay iibiso xagaagan, waxaanay si weyn hoos ugu dhigtay qiimihiisa.’

Kubbad-sameeyaha reer France oo ah laacibka ugu qaalisan taariikhda Manchester United ayaa sannadkii ugu dambeeyey heshiiskiisu dhamaad ku dhow yahay, laakiin Red Devils ayaa dhowaan ku dhawaaqday inay dhaqan-gelisay sannad kale oo lagu kordhinayo qandaraaskiisa, sidaana uu u ogolaanayay heshiiskii ay kula soo wareegtay sannadkii 2016kii.

- Advertisement -

27 jirkan ayaan wali diyaar u noqonin inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo Manchester United oo uu heshiis cusub saxeexo, waxaana Red Devils ay ku qasban tahay bisha June ee sannadka dambe inay iibiso si aanu dhamaadka xili ciyaareedka dambe si xor ah uga tegin.

Manchester United ayaa waxay go’aamisay inay hoos u dhigto qiimaha Paul Pogba si ay suurtogal ugu noqoto inay iibiso xagaaga xagaagan ]ka hor inta aanu ku fikirin inuu si xor ah u tegi karo.

Sida uu qoray wargeyska AS ee kasoo baxa waddanak Spain, Red Devils waxay diyaar u tahay inay siiso Pogba kooxda la timaadda £53 milyan oo Gini oo ah dhowaad kala badh lacagtii ay hore ugaga soo iibsatay Juventus.

Real Madrid ayaa ah kooxda sida weyn loola xidhiidhinayo ee uu isaguna qirtay inuu ku biirayo, waxaa se sidoo kale dagaal adag kula gelaysa Juventus oo ay ka go’an tahay inay dib ula soo saxeexato.

Kulamadii ugu dambeeyey ayuu Pogba kasoo muuqday kaydka iyadoo laga door bidayay Bruno Fernandes, Fred iyo McTominay.

How do you rate this story?

0 votes