Manchester City Oo Xidhiidh La Samaysay Kubbad-sameeyihii Pep

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay ‘xidhiidh toos ah’ la samaysay kubbad-sameeyaha uu Pep Guardiola sida weyn u doonayo inuu kusoo kordhiyo kooxdiisa xilli ciyaareedkan, kaas oo ah halbowlaha iyo kabtanka kooxda Aston Villa.

Manchester City ayaa laba ciyaartoy ka dhigatay bartilmaameedka ugu weyn suuqa xagaagan, waxaanu midka hore ahaa Harry Kane oo aanay xaaladdiisu wali dhinac u dhicin iyo laacibka khadka dhexe ee Jack Grealish.

25 jirkan ayay Man City noqotay kooxda  kaliya ee ku tartamaysa waqtigan, waxayse dhibaato ka haysataa dhinaca Aston Villa oo aan diyaar u ahayn inay gorgortan ka gasho iibka laacibkan oo ay dhinaceeda uga diyaarisay heshiis sare loogu qaadayo mushaharkiisa.

Man City ayaa la sheegay in ay Villa hor-dhigayso dalab huwan lacag gaadhaysa £75 milyan oo Gini iyo waliba lacago kale oo ku xidhnaan doona bandhiggiisa, kuwaas oo sare usii qaadi doona qiimaha laacibkan.

Sida uu ku warramay wariyaha Talyaaniga ah ee Fabrizio Romano, Pep Guardiola iyo kooxdiisa ayaa wada-xaajood toos ah la yeeshay Aston Villa, waxaana maalmaha soo socda go’aan buuxa uu kasoo bixi doonaa mustaqbalka kubbad-sameeyahan.

Fabrizio Romano waxa uu xusay in Aston Villa ay mar horeba Grealish u bandhigtay heshiis cusub oo lagu horumarinayo qandaraaskiisii hore, si ay ugu qanciso inuu iska diido Manchester City.

Jack Grealish ayaa ka mid ahaa xiddigihii xulka qaranka England ee ka qayb-galay tartankii qaramada Yurub, waxaanu saftay afar shan ciyaarood, isagoo laba gool caawiyey kulamadii Czech Republich iyo Germany.

Xilli ciyaareedkii hore ee 2020-21 ayuu Grealish bandhig heersare ah sameeyey inkasta oo uu muddo bilo ah dhaawac ahaa, waxaana uu dhaliyey toddoba gool iyo 12 kale oo uu caawiye ka noqday 27 kulan oo dhamaan tartamada ahaa oo uu saftay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More