Man United Oo Guul Soo Laabasho Cajiib Ah Gaartay, Gool

Manchester United ayaa kulankii labaad oo isku xiga oo Premier League gaartay guul soo laabasho cajiib ah iyadoo seddex gool oo kala daran ku bedelay hal gool oo ay ku hormartay West Ham United.

Labada kooxood ayaa ciyaarta kala lahaa labadii qeyb, iyadoo qeybtii hore ay West Ham wacdarro dhigtay islamarkaana hogaanka u qabatay ciyaarta, laakiin qeybtii labaad oo ay bedel ku soo galeen Rashford iyo Fernandes Man United ayaa xasuuq degdeg ah geysatay iyagoo seddex gool ku dhaliyay 13 daqiiqo gudaheed.

Pogba ayaa gool lagu indho doogsado ku barbareeyay ciyaarta, ka hor inta uusan Greenwood sameynin dhameystir cajiib ah iyadoo Rashford uu ciyaarta dilay.

Natiijadaana ayaa ka dhigan in Man United ay soo gashay kaalinta afaraad iyagoo kala baxay deriskooda Man City oo u dhacay kaalinta 5aad. Man United waxay leedahay 19 dhibcood, waxay labo dhibcood kaliya ka hooseysaa kooxaha hogaanka haya ee Tottenham iyo Liverpool oo ay min 10 kulan wada ciyaareen haatan.

Tababare Solskjaer ayaa isagoo maanka ku haya kulanka Talaadada ee Champions League wuxuu isbedel xoogan ku sameeyay shaxdiisa isagoo ku soo bilaabay Paul Pogba, Van de Beek iyo Cavani halka Bruno Fernandes, Matic iyo Rashford ay kursiga keydka galeen, waxaa sidoo kale laga soo tagay David de Gea iyo Fred.

Macalinka reer Norway ayaa ka qoomameeyay isbedelada badan uu sameeyay iyadoo kooxdiisa cashar loo dhigay qeybtii hore ee ciyaarta iyadoo West Ham ay dhan walba kaga fiicneyd kooxda Manchester United.

Labo daqiiqo ayay ku qaadatay West Ham inay hesho fursadii ugu horeysay oo uu ka beeniyay goolhaye Henderson, iyadoo West Ham ay shabaqa soo taabatay wax yar ka dib balse offside looga diiday goolkooda.

Daqiiqadii 35aad ayay mar kale u dhawaadeen inay ciyaarta hogaanka u qabtaan laakiin kubad ka baxday Bowen oo u muuqatay inay shabaqa galeyso ayaa waxay ku dhacday birta ka hor inta uusan qabsanin goolhaye Henderson.

Ugu danbeyn West Ham ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 38aad, weliba hogaan ay u qalmeen. Daafacyada Man United ayaa seexday markii koorno la soo qaaday uu madaxa ku taabtay Declan Rice, waxaana sii dhaliyay Tomas Soucek.

Labo daqiiqo ka dib West Ham ayaa u dhawaatay inay hesho goolka labaad markii uu Haller u ganbiyay goolhaye Henderson laakiin bedelkii uu kubada shabaqa cusjin lahaa, cagta ayuu la waayay isagoo qasaariyay fursad dahabi aheyd.

Qeybtii hore waxaa lagu kala nastay 1-0 oo ay West Ham hogaanka ku heysay, iyadoo bilowgii qeybta labaad uu tababare Solskjaer sameeyay labo bedel isagoo soo geliyay Bruno Fernandes iyo Rashford, wuxuuna bixiyay Van de Beek iyo Edinson Cavani.

Labada bedel uu sameeyay Solskjaer ayaa wax weyn ka bedelay ciyaarta Man United kuwaasoo u muuqday inay hurdadii ka tooseen.

Paul Pogba ayaa goolka barbaraha u dhaliyay Manchester United daqiiqadii 65aad markii kubad dheer uu soo tuuray goolhaye Henderson uu garabka midig ku helay Bruno Fernandes kaasoo kubada la xarooday ka hor inta uusan u dhigin Paul Pogba kaasoo dhaliyay gool aad u qurux badan oo ay indhaha ku doogsadeen.

Seddex daqiiqo ka dib Man United ayaa ciyaarta u rogtay dhanka kale iyadoo kubad ay si fiican uga soo shaqeeyeen uu Alex Telles u dhigay Mason Greenwood kaasoo si farsamo cajiib leh kubada u taabtay ka hor inta uusan is wareejinin islamarkaana shabaqa soo taabanin.

Man United ayaa durbadiiba baadigoob u gashay goolka seddexaad iyadoo Rashford uu birta garaacay ka dib kubad uu soo dhisan Fernandes, laakiin weeraryahanka Ingariiska Rashford ayaa ciyaarta hurdo u diray daqiiqadii 78aad.

Juan Mata oo isna bedel ku soo galay ciyaarta ayaa kubad dhex bixis ah u dhiibay Rashford kaasoo markaan aan qalad sameynin isagoo kubad macaan ka dulqaaday goolhayaha.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-1 oo ay Man United ku badisay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More