Man United Oo Dhameystirtay Saxiixii Weynaa Ee La Sugayay,

Manchester United ayaa si rasmi ah u shaacisay inay dhameystirtay saxiixa weeraryahanka waayo araga ah Edinson Cavani kaasoo heshiis sannad ah u saxiixay kooxda isagoo sannad kale ku kordhisan kara.

- Advertisement -

33 jirkaan ayaa si bilaash ah ugu wareegay kooxda Shayaadiinta Cas Cas ka dib markii uu xagaagan dhamaaday qandaraaskii uu ku joogay kooxda Paris Saint-Germain.

Cavani ayaa tijaabada caafimaadka u maray maanta Manchester United ka hor inta uusan dhameystirin ku biiritaankiisa kooxda isagoo balanqaaday inuu goolal badan ku soo kordhin doono kooxda.

Edinson Cavani ayaa yiri: “Manchester United waa mid ka mid ah kooxaha ugu waa weyn dunida, sidaasi darteed sharaf ayay ii tahay inaan halkaan joogo. Si adag ayaan u shaqeeyay waqtigii aan garoomada ka maqnaa, waxaana diyaar u ahay inaan tartamo oo aan matalo kooxdaan weyn”

Cavani ayaa dhaliyay 341 gooltan iyo markii uu u soo wareegay Yurub sannadkii 2017 oo ay ku jirto 35 gool uu ka dhaliyay UEFA Champions League.

Wuxuu lix horyaal la qaaday Paris Saint-Germain isagoo u dhaliyay 200 gool, waana goolhayahooda ugu sareeya abid.

Cavani wuxuu sidoo kale ku guuleystay Copa America sannadkii 2011 isagoo wadankiisa Uruguay u dhaliyay 50 gool 116 kulan uu u saftay.

Cavani waa saxiixii seddexaad ee ay Man United sameysay maanta, iyagoo la soo wareegay daafaca bidix Alex Telles oo ay kala soo wareegeen FC Porto iyo Amad Diallo oo ay kala soo wareegeen Atalanta balse kooxda ku biiraya bisha Janaayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More