Arsenal Oo Dhameystirtay Saxiixii La Sugayay Thomas Partey

Arsenal ayaa si rasmi ah u dhameystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee aadka loo qiimeeyo Thomas Partey oo ay kala soo wareegeen kooxda Atletico Madrid ka dib markii ay bixiyeen lacagtii lagu burburinayay qandaraaskiisa kooxda reer Spain.

- Advertisement -

Gunners ayaa maanta go’aansatay inay miiska saarto 50ka milyan euro ee lagu burburinayay qandaraaska uu xiddiga reer Ghana ku joogay Atletico Madrid.

Arsenal ayaa lacagta 50ka milyan euro u gudbisay La Liga oo qaabilsan dhameystirka heshiiska ku yimaado burburinta qandaraaska, waxayna maamulka La Liga ku wargeliyeen Atletico Madrid kuwaasoo ka carooday inaysan wax wargelin ah ka helin Arsenal iyo ciyaaryahanka.

Welcome to the Partey! ?

? @Thomaspartey22#NoThomasNoPartey pic.twitter.com/009Er2kZBK

— Arsenal (@Arsenal) October 5, 2020

Madaama ay Arsenal burburisay qandaraaskii Thomas Partey qasab kuma aheyn inay la xiriirto Atletico Madrid laakiin kooxda reer Spain ayaa ka carootay inaan la sharfin oo lagu wargelinin in Arsenal ay damacsan tahay inay la wareegto xiddigaan.

.@Arsenal pay Thomas Partey’s buyout clause at LaLiga headquarters. The player has unilaterally terminated his contract with our club.

ℹ https://t.co/drrGYXEokH

— Atlético de Madrid (@atletienglish) October 5, 2020

Atletico Madrid ayaa bogeeda Twitter ku soo qortay: “Arsenal waxay xarunta La Liga ku bixisay lacagta lagu burburin karo qandaraaska Thomas Partey. Ciyaaryahanka wuxuu gabi ahaanba burburiyay qandaraaskii uu kula jiray kooxdeena”

Si kastaba, Thomas Partey ayaa tijaabada caafimaadka u maray Arsenal isagoo u saxiixay qandaraas afar sannadood ah oo uu xilli ciyaareedkii ku qaadanayo 260 kun ginni.

Heshiiskaan ayaa ah midkii ugu weynaa ee ay Arsenal sameyso xagaagan, iyagoo sidoo kale xagaagan si xor ah kula soo wareegay weeraryahankii Chelsea Willian halka ay amaah ku sii ceshteen Ceballos iyagoo sidoo kale soo iibsaday daafaca reer Brazil Gabriel.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More