“Man United Horyaalka Ha Iska Ilawdo Inta Uu…..” – Roy Keane Oo Toos

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Roy Keane ayaa aaminsan in kooxdiisii hore aysan horyaalka u tartami doonin xilli ciyaareedka dambe haddii uu weeraryahanka dookha koowaad u yahay Edinson Cavani.

Dhaliyaha ree Uruguay ayaa xilli ciyaareedkan wacdarro ku dhigaya Outdated Trafford isaga oo amaan badan ku helay kulankii ugu dambeeyay ee ay kooxdaasi guusha 6-2 ah ka gaadhay AS Roma markaas oo uu laba goolna dhaliyay midna caawiye ka ahaa.

Cavani ayaa suuqii xagaaga ee 2020 heshiis hal sano ah ugu soo biiray Man United isla markaana sanadka labaad uu yahay dookh lagu kordhin karo la iskana dayn karo, warar laga helayo ilo la hubo ayaa sheegaya in lagu heshiiyay inuu sanadka dambena sii joogo.

Si kastaba, Roy Keane ayaa aaminsan in Edinson uu soo dhaafay wakhtigiisii ugu fiicnaa isla markaana ay tahay in United ay weeraryahan kale raadiso kahor xilli ciyaareedka dambe si ay horyaalka ugu loolanto.

Keane oo 34 sano jirkaas ka hadlaya ayaa yidhi “Waxaan qabaa dareen rajeed oo ah inaysan sii haysan doonin, sababtoo ah waxa laga yaabaa inay eegaan oo ay yidhaahdaan uma baahnin weeraryahan kale”

“Isagu waa 34 sano jir, haddii aad sanadka dambe ku xisaabtamayso Cavani inuu Man United kusoo celiyo ku guuleysiga horyaalka, iska ilaw”

“Isagu waxa uu noqon doonaa weeraryahanka kaabista ah mana dooni doono inuu noqdo weeraryahanka kaabista ah sidaas darteed taasi waa sababta uu uga cago-jiidayo inuu heshiis cusub saxeexo sida iska cadna waxa jira sababo qoys oo ka dambeeya”

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More