Madaxweynihii Hore Ee FIFA Ee Sepp Blatter Oo Mar
Madaxweynihii hore ee xidhiidhka kubadda Cagta Adduunka FIFA ee Sepp Blatter ayaa mar kale lagu riday ganaax waqti dheer ah oo lagaga mamnuucay kubadda cagta, iyadoo uu ku jiro ganaaxii hore ee sannado ka hor la saaray.
Sepp Blatter ayaa lagu xukumay in lix sannadood iyo siddeed bilood aanu wax dhaqdhaqaaq ah ama galaan gal ah la yeelan karaynin kubadda cagta, sida ay shaacisay FIFA.
Guddida anshaxa FIFA ayaa shaacisay in muddadii uu xilka hayey uu sharciyo badan meel kaga dhacay, isla markaana loo dheeraynayo waqtiga ganaaxa uu kaga maqnaanayo kubadda cagta.
War-saxaafadeed ay soo saartay UEFA ayay ku sheegtay in ganaaxii hore ee Sepp Blatter oo ku ekaa bisha October ee sannadkan lagu sii kordhiyey lix sannadood iyo siddeed bilood oo kale, taas oo uu la wadaagayo xoghayihii hore ee FIFA ee Jerome Valcke.
“Baadhitaano la sameeyey ayaa waxay muujiyeen in Sepp Blatter iyo Valcke ay sameeyeen go’aamo badan, gaar ahaan in ay bixiyaan lacago gunnooyin ah oo ay ku bixiyeen tartamada FIFA oo la siiyey masuuliiyiinta ugu sarreysa FIFA, ay sameeyeen isbeddello badan iyo in ay qandaraasyada u dheereeyeen shaqaale iyo sidoo kale in ay bixiyeen kharaadka khaaska ah ee kiiska Mr Valcke.” Ayaa lagu yidhi war-saxaafadeeedka FIFA.
Guddidu waxay sheegeen in Blatter ay ku heleen jabinta qodobka 85 ee khuseeya daacadnimada, danaysiga iyo in uu bixiyey ama aqbalay hadiyado ama faa’iidooyin kale.
Valcke ayaa isagana lagu helay in uu galay isla dembiyada Sepp Blatter oo kale, waxaana labadoodaba lagu xukumay in lix sannadood iyo siddeed bilood oo ganaax cusub ah ay kaga maqnaan doonaan.
Sannadkii 2015kii ayaa Sep Blatter lagu riday siddeed sannadood oo uu ganaax kaga maqnaanayo ciyaaraha, halka Valcke oo 12 sannadood la ganaaxay markii dambe 10 sannadood looga dhigay.