Madaxweynaha KMG Barcelona Oo Ka Qoomameynaya Inuusan
Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Barcelona ayaa ku amaanay ciyaartoyda inay badbaadiyeen xilli ciyaareedkooda ka dib markii ay ogolaadeen mushahar dhimis laakiin wuxuu qirtay inuu ka qoomameynayo inaysan iibinin Lionel Messi xagaagii la soo dhaafay.
Carles Tusquets ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in sida kaliya uu Neymar ugu soo laaban karo Camp Npu inay tahay haddii uu ku imaanayo si bilaash ah madaama ay kooxda dhaqaale darro xoogan heyso.
Ciyaaryahanadda Barca ayaa ogolaaday mushahar dhimis weyn xilli ciyaareedkan iyagoo bisha danbe kooxda u badbaadinaya 155 milyan ginni.
Kooxda ka dhisan horyaalka La Liga ayaa waxaa saameyn xun ku yeeshay Korona Fayras, waxayna mushaharkooda dhimeen 270 milyan ginni xilli ciyaareedkan.
Tusquets ayaa yiri: “Heshiiska aan haatan ku jirno wuxuu inoo ogolaanayaa inaan xilli ciyaareedka ku dhameysano inagoon kaash la’aan aheyn. Xilli ciyaareedkan waan badbaadnay.”
Barca ayaa lagu qasbay inay iibiyaan Luis Suarez, Ivan Rakitic iyo Arturo Vidal si ay lacag u badbaadsadaan.
Messi oo sannadkii mushahar ahaan u qaata 54 milyan ginni ayaa qalqal geliyay Barcelona xagaagii isagoo dalbaday in la iibiyo laakiin markii danbe ka laabtay.
Tusquets ayaa qirtay in haddii uu isagu markaas ahaan lahaa madaxweynaha kooxda inuu ogolaan lahaa in la iibiyo Messi isagoo dhanka dhaqaalaha ka eegaya.
Wuxuu u sheegay RAC1: “Marka aan ka eegno dhanka dhaqaalaha, waan iibin lahaa Messi xagaagii.
“Lacag dhankeeda marka laga eego wax fiican ayay noqon laheyd, waxaan heli laheyn lacag badan oo aan ku badbaadno.”
Neymar ayaa isna lala xiriirinayaa inuu ku soo laabanayo Barcelona isagoo sheegay inay qasab tahay inuu mar kale ka garab ciyaaro Messi.
Laakiin suurtogalnimada ay kooxda reer Catalans kula saxiixan karto Neymar waxaa meesha ka saaray Tusquets kaasoo yiri: “Sida kaliya uu ku imaan karo waa inuu si bilaash ku yimaado ilaa iyo inuu madaxweynaha xiga mucjiso la yimaado mooyee.”