MADAX-XANUUN: Waakan Halka Boos Ee Tababare Zidane Madax Wareerka Ku

Toddobaadkan gaar ahaan caawa iyo habeen dambe ayaa la ciyaarayaa kulamada lugta hore ee wareega afar dhammaadka Champions League, Actual Madrid ayaa hadda diirada saaraysa dhigeeda Chelsea oo ay caawa gegida Alfredo Di Stefano kusoo dhawaynayso.

Chelsea iyo Actual Madrid ayaa markii ugu horreysay ku kulmaya Champions League intii tartanka kooxaha Yurub magacaas lavatory bixiyay tan iyo 1992, guud ahaan saddex kulan oo ay hore u kulmeen ayay laba Blues guuleysteen halka kulanka kale ay bar-bardhac galeen.

Actual ayaa tabaysa xiddigo laf-dhabar u ah shaxdeeda kulanka caawa, daafaca bidix ee Ferland Mendy ayaa maqnaan doona si lamid ah Fede Valverde iyo Sergio Ramos oo labaduba Korona Fayras qaba halka Lucas Vazquez uu xilli ciyaareedka inta ka hadhsan dhaawac ku seegayo.

Warbixin lagu qoray wargeyska Diario AS ayaa sheegay inuu jiro hal boos oo weerarka ah oo uu tababare Zinadine Zidane wer-werka ugu badani ka haysto.

Toni Kroos ayaa markale diyaar ah isla markaana khadka dhexe saddexleyda caanka ah kula samayn doona Luka Modric iyo Carlos Casemiro, sidoo kale soo laabashada Hazard ayaa xoojinaysa weerarka.

Karim Benzema oo ah hoggaamiyaha weerarka Los Blancos ayaa shaki la’aan kusoo bilaaban doona ciyaarta, sidoo kale Vinicius Junior ayaa la filayaa inuu doorkiisa sii xejisto.

Si kastaba, labada xiddig ee booska saddexaad ee saddexleyda weerar ku kala bixi doona ayaa ah Eden Hazard oo dhawaan dhaawac kasoo kabtay iyo Marco Asensio balse qiyaas ahaan waxa ay u muuqataa in Asensio soo hormari doono.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More