Macalinkii Arsenal Ee Arsene Wenger Oo Ugu Dambayn Sharaxaad

Tababarihii hore ee kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa si faah-faahsan uga warramay qaabkii ay kooxdiisu ku seegtay saxeexa halyeeyga Manchester United ee Cristiano Ronaldo oo hadda dad badani u arkaan midka ugu wanaagsan abid kubadda cagta caalamka.

Wenger ayaa sheegay in weeraryahanka Juventus ee haatan uu heshiis la gaadhay Arsenal kahor intii aysan saxeexiisa ka af-duubanin kooxdii Sir Alex Ferguson ee Man United.

Ronaldo ayaa inta ugu badan darajadiisa halyeeynimo ku samaystay kooxda Real Madrid balse bilawga waayihiisa  ciyaareed ee guulaha badan ayaa kasoo bilaabmay Old Trafford.

Kabtanka xulka Portugal ayaa sanadkii 2003 ka tagay Sporting Lisbon isaga oo ku biiray Manchester United oo uu 118 gool ugu soo dhaliyay 292 kulan oo uu usoo ciyaaray.

CR7 ayaa kasoo caawiyay Red Devils inay kusoo guuleysteen saddex horyaal Premier League iyo Champions League kahor intii uusan heshiis 80 Milyan oo Pound oo rekoodh ah ugu wareegin Santiago Bernabeu.

Wenger oo su’aasha xiddiga uu ka qoomameeyo saxeexiisa inuu seegay uga jawaabaya The Guardian ayaa yidhi “Waxaan odhan lahaa maaha ciyaaryahan, waa 50 ciyaaryahan”

“Dhinaca kale malaha ka ugu dhawi waxa uu ahaa Cristiano Ronaldo markii uu u saxeexay Manchester United”

“Waxaanu heshiis la galnay Sporting Man United-na waxa ay tababare ku xigeen u qaadatay Carlos Queiroz waxaana ay si deg-deg ah u bixiyeen dalab ka sarreeya midkii aanu bixinay waxaana ay qaateen Ronaldo”

“Laakiin heshiis ayaanu la galnay asaasi ahaan, isagu (Ronaldo) waxa uu haystay garanka Arsenal, waxaan geeyay isaga iyo hooyadii xerada tababarka”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More