“Ma Jiraa Xul Euro Ku Hadhay Oo Spain Ka Wanaagsani?” – Tababare

Xulka qaranka Spain ee Jimcaha caawa ah kahor tagaya dhigiisa Switzerland kulan ka tirsan siddeed dhammaadka tartanka Euro, tababaraha xulkaas ee Luis Enrique ayaa qaba inaan toddobada xul ee kale ee ku hadhay loolanka aan midina dalkiisa ka fiicnayn.

Enrique ayaa dhinaca kale sheegay in xiddigaha xulkiisu ay heerkii ugu fiicnaa joogaan taam ahaan isla markaana dhibaatada ay wajihi karaan ay noqon karto mid maskaxiyan ah ee aysan noqon karin mid jidh ahaaneed.

“Maya” ayuu ku jawaabay tababare Lucho mar la weydiiyay haddiiba toddobada xul ee kale ee wareega siddeed dhammaadka kula soo hadhay uu jiro mid ka wanaagsan qarankiisa La Roja.

“Tirooyinka (Uu na siiyay) hanaanka GPS (hanaanka hab-raaca tababarka) waa mid cajiib ah, arrintu waa mid maskax ahaan ka badan jidh ahaan”

“Haddii aanu maskax ahaan fiicanahay waanu fiicanahay jidh ahaan, ma garanayo haddii ay isbedelo jiri doonaan, dhammaan 24-ka ciyaartoy way ciyaari karaan.

La Roja ayuu caawa hor joogaa xulka Switzerland oo ilaa haatan mucjisadii ugu weynayd kasoo sameeyay Euro maadaama oo ay qaab xaraarad leh tartanka uga cidhib tireen France oo ahaa dalka uu qofkasta u saadaalinayay ku guuleysiga koobka.

Spain ayaa kulankii ugu dambeeyay 5-3 uga soo adkaaday Croatia ciyaart 30 daqiiqo oo dheeri ah loo baahday kaddib markii 3-3 la isku mari waayay wakhtigii caadiga ahaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More