MA BAXAYO!! – Xiddig Barcelona Ah Oo Ka Dhaartay

Khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Miralem Pjanic ayaa lagu soo warramayaa inuu diiday inuu iskaga tago kooxdaas suuqa xagaaga sanadkan isaga oo saamayn ku yeelanaya qorshaha uu tababare Ronald Koeman ku keenayay Gini Wijnaldum oo Liverpool kaga imanaya.

Tababarihii hore ee xulka qaranka Netherland ayaa Wijnaldum u doortay xiddiga uu kusoo xoojinayo khadkiisa dhexe isaga oo Pjanic u calaamadsaday midka uu dirayo si uu boos ugu baneeyo Wijnaldum.

Si kastaba, haatan Pjanic ayaa shaaca ka qaaday sida uu u qorshaynayo inuu sanado badan sii joogo Barcelona oo uu kaga yimid dhinaca Juventus isaga oo doonaya inuu kooxdaas taariikh la sameeyo.

Sida uu sheegayo wargeyska Sport, Koeman ayaa doortay inuu kooxda ka diro Pjanic isaga oo diidaya inuu imaatinka Wijnaldum sababo in ciyaaryahan da’yar ahi booska khadka dhexe ka baxo.

Si kastaba, xiddiga heer caalami ee xulka qaranka Bosnia ayaa u muuqda mid qaba qorshayaal ka duwan kuwa tababarihiisa isaga oo wargeyska Mundo Deportivo uga warramay sida uu u rajaynayo inuu sanado badan sii joogo Camp Nou.

Miralem ayaa markii la weydiiyay haddii uu xilli ciyaareedka dambe sii joogayo Barcelona ku jawaabay “Haa dabcan, anigu Barca uguma saxeexin si aan uga tago sanadka soo socda, waxaan ugu saxeexay si aan taariikh ugu sameeyo kooxda ”

“Waxay ii sheegeen in dabeecadayda iyo qaab ciyaareedkaygu ay muhiim u noqon doonaan koriinka jiil akaademiga La Masia ah kuwaas oo si xoogan usoo fananaya, isku dheeli-tirku waa muhiim aniguna waxaan halkan u imid inaan sameeyo isku dheeli-tirkaas”

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More