Lix Bilood Oo Uu Xabsi Iyo Xabsi Guri Uu Ku jiray Ka Dib

Halyeeyga reer Brazil Ronaldinho ayaa la ildaran xanuunka Korona Fayras sida uu isagu xaqiijiyay.

Ciyaaryahankii hore ee Barcelona ayaa inta badan sannadkan 2020 ku qaatay xabsi ku yaala dalka Paraguay ka dib markii lagu qabtay baasaboor been abuur ah.

Laakiin haatan sabab taas ka duwan ayuu karantiil u geli doonaa ka dib markii laga helay Korona Fayras.

Ronaldinho oo 40 sanno jir ah ayaa laga helay cudurka ka dib markii uu tagay magaalada Belo Horizonte ee dalka Brazil Sabtidii.

Wuxuu haatan karantiil ku galayaa magaalada Belo Horizonte.

Markii loo sheegay inuu cudurka qabo, Ronaldinho ayaa baahiyay warbixitaan:

“Waxaan Belo Horizonte joogaa ilaa iyo shalay, waxaan u imid inaan ka qeyb qaato barnaamij.

“Waxaan maray baaris, waxaana la ii sheegay inaan qabo Korona Fayras. Waan fiicanahay, calaamadaha cudurka igama muuqdaan, laakiin barnaamijka xilli danbe ayaan qaban doonaa.

“Dhawaan ayaa dib u kulmi doonaa”

Ronaldo ayaa 32 maalmood ku jiray xabsi bishii March ka dib markii uu Paraguay ku galay baasaboor been abuur ah isaga iyo walaalkiis.

Ka dib wuxuu galay xabsi guri shantii bilood ee ku xigtay.

Xiddigii hore ugu guuleystay Ballon d’Or ayaa la sii daayay 25kii bishii Agoosto markii uu qirtay danbiga.

Waxaa loo ogolaaday inuu wadanka ka tago ka dib markii uu bixiyay ganaax gaaraya 152 kun ginni.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More