Liverpool Oo Doonaysa Xiddigii Uu Lionel Messi Ku Tilmaamay
Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa la sheegay in ay u dhaqaaqday saxeexa xiddig uu amaanay Lionel Messi oo uu ku sifeeyey laacib dhamaystiran, kaas oo ka ciyaara khadka dhexe.
- Advertisement -
Tababare Jurgen Klopp ayaa qorshaynaya inuu dibu-habayn ku sameeyo kooxdiisa kaddib xilli ciyaareed ay dhibaatoodeen oo sababta ugu weyna ahayd dhaawacyo tiro badan, laakiin illaa hadda ayaanay wax saxeex ah samaynin, halka awooddooduna sii diciiftay maadaama uu ka tegay laacibka khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum.
Sida uu qoray wargeyska AS ee kasoo baxa Spain, Liverpool ayaa u xidhxidhatay sidii ay ula soo wareegi lahayd kubbad-sameeyaha reer Spain ee Saul Niguez oo khadka dhexe uga ciyaara Atletico Madrid, xilli ciyaareedkii horena kulamo badan kaydka ku jiray kaddib markii uu Simeone ka doorbiday laacibiin kale.
Saul oo uu Messi ku tilmaamay ciyaartoy dhamaystiran ayaa waxa uu soo galay diiradda Liverpool iyadoo horena ay u xiisaynayeen kooxaha Manchester United iyo Manchester City.
26 jirkan ayay wararku sheegayaan in kooxdiisa Atletico Madrid ay ogolaan karto inay ku iibiso €40 milyan oo Euro, taas oo qiime ahaan noqonaysa mid macquul ah.
Muxuu Messi ka yidhi laacibkan?
Saul wuxuu ka mid yahay ciyaartoyda aadka loo qiimeeyo waqtigan ee khadka dhexe, waxaana uu mar kasbaday amaanta xiddiga Barcelona iyo xulka Argentina ee Lionel Messi.
March 2012, ayuu wargeyska Daily Star kasoo xigtay Lionel Messi oo xilli uu ka hadlayay Saul Niguez leh: “Waa dhex dhamaystiran, wax walba wuu leeyahay.”
Laacibkan ayaa hadda qayb ka ah xulka qaranka Spain ee ka qayb-gelaya qaramada Yurub, balse boos joogto ah kama haysto iyadoo uu Luis Enrique ka doorbiday Koke.
Saul Niguez ayaa xilli ciyaareedkii hore waxa uu Atletico Madrid ugu soo bilowday 22 kulan iyo 11 kale oo uu beddel kusoo galay iyadoo dhamaan ciyaarahanna ahaayeen horyaalka La Liga.