Liverpool mise Man City? Xiisad Ka Dhex Dhalatay Cristiano Ronaldo Iyo
Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa la sheegay in ay isku dhaceen kooxdiisa Juventus oo uu doonayo in uu iskaga tago inta uu furan yahay suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan oo ay laba toddobaad ka hadhsan yihiin waqtigii uu xidhmi lahaa.
- Advertisement -
Wargeyska Corriere dello Sport ee kasoo baxa waddanka Talyaaniga ayaa sheegay in uu Ronaldo u dhaqaaqayo horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A isaga oo xor ah, isla markaana uu doortay kooxda uu qaybta ka noqonayo.
Cristiano Ronaldo oo galay sannadkiisii ugu dambeeyey ee qandaraaskiisa Juventus ayaa la rumaysan yahay in Juventus ay doonayso in ay iibiyo iyadoo uu tababare Massimiliano Allegri doorbidayo in uu ciyaartoydiisa da’yartiisa kale ku dagaal-galo, isla markaana uu meesha ka saaro Ronaldo.
Warka ayaa intaa ku daray in Juve ay diyaar u tahay in ay €30 milyan oo Euro ku xaraashto Messi labada usbuuc ee soo socda, isla markaana ay meesha ka saaraan mushaharkiisa sannadkan oo €30 milyan oo Euro ah.
Cristiano Ronaldo ayaa lala xidhiidhinayay kooxda PSG, Manchester United iyo Real Madrid, laakiin wargeyska Corriere dello Sport ayaa sheegay in wakiilka Ronaldo ee Jorge Mendes uu xidhiidh la sameeyey Manchester City oo uu laacibkan geynayo.
Kooxda difaacanaysa horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo si weyn u raadinaya ciyaartoy afka hore ah oo gool-dhalinta ku fiican, isla markaana lagu adkeeyey Harry Kane oo ay €150 milyan oo Euro dul-dhigeen, waxa uu Mendes u sheegay in ay heli karayaan Ronaldo oo bilaash ah oo xataa meesha laga saarayo €30-milyan ee Euro ee ay Juve ka dalbanayso iibkiisa.
Ronaldo oo hore ay niyaddiisa ugu jirtay in uu tago PSG, wax kasoo xidhantay fursaddaas xilli ciyaareedkan kaddib markii ay kooxda Faransiisku si xor ah kula wareegtay Lionel Messi, taas oo meesha ka saaraysa in uu isaguna tago maadaama ay kooxdaasi geli karto xaalad sharci-jabin ah oo ay ka bixi karto xayndaabka sharciga dhaqaale wanaagga.
Inkasta oo taageereyaasha Manchester United ay u arki doonaan in uu khiyaameeyey, haddana Ronaldo ayaa waxa uu warku sheegay in uu kusii jeedo Etihad Stadium oo ay aad suurtogal u tahay inuu u ciyaaro Manchester City.