Liverpool, Chelsea Mise Real Madrid – Tababare Andre Villas-Boas Oo

Tababaraha reer Portugal ee  Andre Villas-Boas ayaa magacaabay kooxda uu doonayo weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe oo la sheegayo inuu ka tegayo kooxdiisa PSG xagaagana amaba dhamaadka xilli ciyaareedka dambe.

Heshiiska Kylian Mbappe ee Paris Saint-Germain ayaa waxa uu dhacayaa June 2022, waxaanay kooxdiisu ku qasban tahay inay iibiso suuqa xagaagan haddii ay awoodi weydo inay ku qanciso inuu sii joogo Parc des Prince, haddii kalena waxa uu si bilaash ah kaga tegi doonaa sannad kaddib.

Kooxo Premier League iyo Spain ah ayaa aad loola xidhiidhinayaa, waxaana safka hore kaga jirta Real Madrid oo muddo dheer daba socotay, taas oo la rumaysan yahay in suuqa hadda furan ay ku dedaalayso sidii ay usoo xero gelin lahayd.

Si kastaba, tababarihii hore ee Chelsea iyo Tottenham ee Andre Villas-Boas ayaa sheegay in Kylian Mbappe uu tegi doono kooxda reer Spain ee Real Madrid, laakiin waxa uu diiday inuu cayimo waqtiga uu laacibkani tegi doono Santiago Bernabeu.

“Horreyso ama dambayso, Mbappe waxa uu ku dhamaysan doonaa Real Madrid.” Ayuu yidhi Andre Villas-Boas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More