Lautaro Martínez Oo Mar Kale Shaki Giliyay Mustaqbalkiisa

Weeraryahanka Inter Milan ee Lautaro Martínez ayaa ka meer meeraya in uu go`aamiyo mustaqbalkiisa kooxdaas xilli dhowr koox ay baadi goobayaan saxiixiisa .

- Advertisement -

Wiilkaan reer Argentina ayaa si weyn xagaagii hore loola xariiriyay in uu aadayo kooxda Barcelona waliba talaabo rasmi ah ayay u qaaday .

Barcelona ayaa ku fashilantay in is fahmaan Inter maadaama Lautaro Martínez ay la meel dhigeen in uu u soo wareego.

Shabakadda Football Italy ayaa weydiisay su`aal la xariirta mustaqbalkiisa , waxa uuna Lautaro Martínez ka yiri” waxaan maalin waliba ka shaqeeyaa in aan sii hor mariyo heer ciyaareedkeyga , xilligaan waxaan ahay ciyaaryahan Inter ah waxaan xoogeyga isugu geynayaa caawinta kooxda”.

” Waxaan dooneynaa in aan Inter meel sare ku hogaaminno” ayuu sii raaciyay Lautaro Martínez

Sidaas oo ay tahay waxa uu ka meer meeray jawaab rasmi ah isaga oo yiri” ma aqaan waxa beri dhici doonaa balse xilligaan waxana dhihi kaara Inter ayaan joogaa waana ku faraxsanahay”.

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More