Lacagtii Ay Suuqa Gelisay Koox Kasta Oo Premier League Ah Tan Iyo
Manchester United ayaa Jimcihii si rasmi ah ugu dhawaaqday saxeexa Jadon Sancho oo ay kala soo wareegtay Borussia Dortmund, iyadoo kasoo bixisay £73 milyan oo Gini, waxaanu noqday ciyaartoygii saddexaad ee ugu qaalisanaa ee ay Red Devils iibsato isagoo ku xiga Paul Pogba iyo Harry Maguire.
Waxa uu noqday saxeexii labaad ee ay United xagaagan samayso, isagoo ku xigay goolhaye Tom Heaton.
“Fursadda ku biirista Manchester United waa riyo rumowday, mana sugi karayo inta aan bandhigga ka samaynayo horyaalka” Ayuu yidhi markii uu Sancho saxeexay heshiiska.
Isaga oo hadalka sii wata, waxa uu intaas raaciyey: “Tani waa koox ay joogaan ciyaartooyo da’yar ah oo ku farxad-gelinaysa, waanan garanayaa, wada-jirkayaga, waxa aanu gaadhi doonaa guulo ay taageereyaashu u qalmaan. Waxa aan rajaynayaa in aan la shaqayn doono tababaraha iyo shaqaalaha tababarka si aan u horumariyo ciyaartayda.”
Kaddib markii ay Manchester United sida rasmi ah u dhamaystirtay saxeexa Sancho, waxa cirka isku shareertay lacagta ay suuqa gelisay tan iyo xilli ciyaareedkii 2017/18.
Laga soo bilaabo waqtigaas, Manchester United ayaa suuqa iibka ku kharash-garaysay lacag gaadhaysa £616.21 milyan oo Gini oo ay ciyaartooyo kusoo iibsatay, halka iyaguna xiddigihii ay xaraasheen ay ka heleen £158.61 milyan oo Gini, taas oo ka dhigan in £657.60 milyan oo Gini ay kharash garaysay.
Laakiin sidee ayay noqonaysaa haddii lacagtan la barbar-dhigo 20ka kooxood ee kale ee horyaalka Premier League kula jira hadda? Imisa ayay koox kastaa bixisay iyadoo laga jaray lacagtii uga soo xerootay ciyaaryahannadii ay iska iibiyeen?
Su’aashan ayaa sees u ahayd warbixintan, waxaanay xaqiiqadu tahay, in aanay jirin koox la mid ah Manchester United, waxaanay ka sarreeyaan xataa Manchester City oo lacag waalli ah suuqyada ku cidhiidhinaysay.
Halkan kaga bogo lacagta ay koox kastaa suuqa gelisay tan iyo 2017kii (waxa laga jaray lacagtii iyaga uga soo hoyatay ciyaartoydii ay iibiyeen)
20. Norwich | +£66.17m
19. Brentford | +£60.77m
18. Burnley | -£22.09m
17. Crystal Palace | -£40.24m
16. Southampton | -£42.75m
15. West Brom | -£49.71m
14. Newcastle | -£98.97m
13. Leeds | -£106.39m
12. Leicester | -£114.36m
11. West Ham | -£132.28m
10. Liverpool | -£153.91m
9. Tottenham | -£162.50m
8. Wolves | -£196.87m
7. Chelsea | -£209.15m
6. Brighton & Hove Albion | -£212.35m
5. Everton | -£233.92m
4. Arsenal | -£238.68m
3. Aston Villa | -£247.86m
2. Man City | -£366.31m
1. Man United | – £457.60m