La Ogaaday: Chelsea Oo Man United Ka Hor Istaagtay Saxiixa Mauricio Pochettino.

Manchester United ayaa gaartay go’aanka ay ku sii haysanayso tababare Erik Ten Hag inkasta oo ay xiiso u qabeen saxiixa tababare Mauricio Pochettino.

Sida laga soo xigtay wargayska Mailonline, Heshiis ay chelsea la gashay Pochettino ayaa adkeeyay in ay Man United heshiis la gasho tababaraha.

Blues ayaa heli lahayd laca magdhaw ah hadii uu Pochettino qabto shaqo ka hel ka hor sanadka 2025 kadib markii uu ka tagay chelsea dhamaadkii xilli ciyaareedka.

Ten Hag ayaa dhanka kale hogaamin doona kooxda Man United laakiin xilli ciyaareedka dambe ayaa noqon doona mid laga rabo shaqo weyn.

Man United ayaa haatan wadahadalo kula jirta Ten Hag si ay heshiis cusub uga saxiixato tababaraha reer Netherlands.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More