Kulanka Xulka England Ee Isreebreebka Koobka

Kulanka isreebreebka Koobka Adduunka ee Axada dhexmari lahaa xulalka England iyo Albania ayaa halis ugu jira in la kansalo madaama dalka martida loo yahay uusan heysan boliis ku filan inay sugaan amaanka sida ay sheegeen xiriirka kubada cagta Albania.

Xulka England ayaa ku balansan inay Axada booqdaan xulka Albania kulan qeyb ka ah Group I ee isreebreebka Koobka Adduunka ee sannadka danbe ka dhacaya Qatar.

Si kastaba, warbixin ay soo saareen xiriirka kubada cagta Albania ayaa lagu sheegay inaysan balanqaadi karin amaanka labada xul laakiin waxay digniin ku bixiyaan in kulanka oo la kansalo inay musiibo ku noqon doonto wadanka.

Warbixinta xiriirka kubada cagta Albania oo lagu daabacay wargeyska ugu weyn dalkaas ayaa lagu yiri: “Maanta warqad ka soo baxday xiriirka kubada Albania kana timid waaxda boliiska ayaa lagu sheegay in boliiska aysan balanqaadi karin amaanka ka hor, inta ay socota iyo ka dib ciyaarta Albania iyo England.

“Xalaada aan wajaheyno waxaa u sabab ah in dowlada ay dhaqso ka soo jawaabi weysay codsiga xiriirka ah ee ah in la sugo amaanka Garoonka Qaranka, waxaan codsaneynaa in jawaab degdeg ah laga bixiyo xaalada soo korortay.

“In la kansalo kulanka Albania iyo England wuxuu musiibo ku noqon doonaa sumcada wadanka, xulka qaranka iyo guud ahaan kubada cagta Albania.”

Afhayeen u hadlay xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaa sheegay inay isku dayi doonaan inay xiriir joogta ah la sameeyeen maamulka Albania.

Xulka tababare Southgate ayaa ka degi doona magaalada Tirana ee dalka Albania Sabtida ka dib marka ay caawa garoonka Wembley kula ciyaarayaan xulka San Marino.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More