Kulamada Uu Dhaawaca Ku Seegayo Alexander-Arnold Oo Qaar Ka

Difaaca midig ee Liverpool ee Alexander-Arnold  ayaa uu dhaawac kasoo gaadhay kulankii ay kooxdiisu barbarraha 1-1 ku kala baxeen Manchester City Axaddii, taas oo laga saaray garoonka qaybtii dambe.

22 jirkan ayaa istaagay, kaddibna fadhiistay daqiqaddii 63aad ee ciyaartaas, kaddib markii uu dhaawac muruqua ah kusoo booday, waxaana lagu beddelay James  Milner oo si waayeelnimo ah u ciyaaray.

Liverpool oo ay hore uga dhaawacnaayeen xiddigo muhiim ah sida Virgil van Dijk, Fabinho, Thiago Alcantara iyo Oxlade-Chamberlain ayaa waxa madax xanuun ku noqday dhaawacan cusub ee soo gaadhay Alexander-Arnol.

Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa laacibkan ka saaray liiskiisa kulamada UEFA Nations League iyo saaxiibtinimo ee usbuuc dhamaadkan iyo toddobaadka dambe.

Ciyaarta saaxiibtinimo ee Ingiriisku la ballansan yahay Republic of Ireland Khamiista toddobaadkan ayaa uu seegi doonaa, sidoo kalena labada ciyaarood ee ku xiga ee UEFA Nations League ee Belgium oo ay Axadda  la ciyaarayaan iyo Iceland oo Arbacada toddobaadka dambe ah ayaanu taam noqonayn.

Saddexdan ciyaarood ayaa si hordhac ah loo ogyahay inuu seegi doono Alexander-Arnold, waxaana Jurgen Klopp oo warbaahinta la hadlay uu shaaciyey in difaacan midig aanu u tegi doonin xulka qaranka England.

“Trent wuxuu ka maqnaan doonaa xulka England, wayna caddahay.” Ayuu yidhi Jurgen Klopp.

Macallinka reer Germany waxa uu itbaaxay in aanay wali si dhab ah u ogeyn inta uu le’eg yahay dhaawacani, waxaanu yidhi: “Waxa uu qabo, si dhab ah uma ogin laakiin uma ciyaari doono England. Sawirro ayaa laga qaadi doonaa berri (Maanta), waanaynu eegi doonaa.”

Xulka qaranka England ayaanay dhibaato badan ku ahayn dhaawaca Alexander-Arnold, waxaanay haystaan Rece James inkasta oo uu ganaax yahay, Ainsley Maitland-Niles, Kieran Trippier iyo Kyle Walker oo dhamaantood difaaca midig ah.

Laakiin Liverpool ayuu saamaynta ugu badan ku yeelan doonaa dhaawaciisu haddii aanu soo kabanin labada toddobaad ee fasaxa uu ku jiro horyaalka Premier League.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More