“Ilaahay Ayuun Baa Garanaya Cabbirka Kalsoonka Uu Xirto

“Ilaahay Ayuun Baa Garanaya Cabbirka Kalsoonka Uu Xirto

Halyeygii Manchester United ee Roy Keane ayaa eedaymo u jeediyey weeraryahanka Manchester City ee Sergio Aguero oo kasoo laabanaya dhaawac, waxaanu tilmaamay inuu u muuqdo ‘mid miisaankiisu weynaaday’.

32 jirka reer Argentina ayaa kulankii saddexaad dhaawac muruqa ah ku seegay kaddib markii uu garoomada kusoo laabtay dhaawac kale oo uu in muddo ah ku maqnaa, waxaana la filayaa in marka laga soo laabto kulamada caalamiga ah uu taam u noqdo.

Dhaawaciisan ayaa yimid kulamo kooban oo uu xili ciyaareedkan iyo dhamaadka qaybtii dambe ee xili ciyaareedkii hore kooxdiisa u saftay.

City ayaa waxay tabaysay khabiirkeedan afka hore oo isagana miiska loogu geeyey Gabriel Jesus oo muddo kusii jiray laakiin kusoo laabtay garoomada markii uu Aguero galay dhaawaca isaga oo ciyaaray kulankii xalay ee Liverpool iyo ciyaartii Champions League ee toddobaadkii hore oo uu labadoodaba goolal dhaliyey.

Kabtankii hore ee Manchester United ee Roy Keane oo xalay ka hadlayay telefishanka Sky Sports ayaa tilmaamay in Aguero ay dhibaatadiisu sii jiri doonto oo uu hadda cuslaaday, waxaanu yidhi: “Arrinta aan ku arkay Aguero markii uu soo laabtay waxay ahayd inuu miisaankiisu xad-dhaaf noqday.

“Ilaahay ayuun baa garanaya cabbirka nigiska uu xidhnaa, wuxuuse u muuqday mid weyn.”

Roy Keane oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray: “Mararka qaarkood adiga oo dhaawac ku maqan ayaad ordi kartaa. Fikraddani waxay tahay in ciyaartoydu u baahan yihiin laba ama saddex bilood si ay u ordaan, laakiin waxaan ka walaacsanaa in marka uu soo laabtay uu dhab ahaantii ahaa mid aad u weynaaday.”

Micah Richards oo isaguna istuudiyaha Sky Sports ay wada  fadhiyeen Keane ayaa sheegay inay suurtogal tahay in Aguero lagu soo dedejiyey garoomada si uu kooxda u caawiyo, xilli aanu si buuxda taam u noqonin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More