Kulamada U Hadhay Koox Walba Oo Premier League Ah, Inta Ay Martida
Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa kulamadii ugu dambeeyey galay, waxaana saddex toddobaad gudahood lagu soo gabogabaynayaa xilli ciyaareedkan.
Sheffield United ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay ee xilli ciyaareedkeeda si dhab ah loo go’aamiyo, waxaanay u degtay heerka labaad, iyadoo sugaysa laba kooxood oo u raaci doona Championship oo xilli ciyaareedka dambe kala dheeli doona.
Manchester City ayaa iyaduna kaliya sugaysa in la guddoonsiiyo horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan, iyadoo koobka ka dhacsatay Liverpool oo difaacan kari weyday.
Manchester United ayaa iyaduna u muuqata in aanay cidina ku qabsanayn kaalinteeda labaad ee horyaalka Premier League, haddii aanay dhicin balaayo aan xisaabta lagu darsanin, halka Leicester City ay afar dhibcood oo nadiif ah ku haysato booska kaalinta saddexaad.
Chelsea oo la dhibco ah West Ham United ayaa waxay fadhidaa afraad, balse taasi damaanad uma aha, waxaana min laba dhibcood oo kaliya ka hooseeya Tottenham iyo Liverpool, halka Everton iyo Arsenal ay iyaguna kaabiga usoo saaran yihiin oo xisaab ahaan aan wax badan laga horreynin.
Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa kulamada u hadhay koox walba 20ka naadi ee horyaalka Premier League ah:
1. Man City
Kulamada u hadhay = 5 – Crystal Palace (Marti), Chelsea (Minan), Newcastle (Marti), Brighton (Marti), Everton (Minan).
2. Manchester United
Kulamada u hadhay = 6 – Leeds (Marti), Liverpool (Minan), Aston Villa (Marti), Leicester City (Minan), Fulham (Minan), Wolves (Marti).
3. Leicester City
Kulamada u hadhay = 6 – Crystal Palace (Minan), Southampton (Marti), Newcastle (Minan), Man United (Marti), Chelsea (Marti), Tottenham (Minan).
4. Chelsea
Kulamada u hadhay = 6 – West Ham (Marti), Fulham (Minan), Man City (Marti), Arsenal (Minan), Leicester City (Minan), Aston Villa (Marti).
5. West Ham
Kulamada u hadhay = 6 – Chelsea (Minan), Burnley (Marti), Everton (Minan), Brighton (Marti), West Brom (Marti), Southampton (Minan).
6. Tottenham
Kulamada u hadhay = 5 – Sheffield United (Minan), Leeds (Marti), Wolves (Minan), Aston Villa (Minan), Leicester (Marti).
7. Liverpool
Kulamada u hadhay = 6 – Newcastle (Minan), Manchester United (Marti), Southampton (Minan), West Brom (Marti), Burnley (Marti), Crystal Palace (Minan).
8. Everton
Kulamada u hadhay = 6 – Arsenal (Marti), Aston Villa (Minan), West Ham (Marti), Sheffield United (Minan), Wolves (Minan), Man City (Marti).
9. Arsenal
Kulamada u hadhay = 6 – Everton (Minan), Newcastle (Marti), West Brom (Minan), Chelsea (Marti), Crystal Palace (Marti), Brighton (Minan).
10. Leeds United
Kulamada u hadhay = 6 – Man United (Minan), Brighton (Marti), Tottenham (Minan), Burnley (Marti), Southampton (Marti), West Brom (Minan).
11. Aston Villa
Kulamada u hadhay = 6 – West Brom (Minan), Everton (Marti), Man United (Minan), Crystal Palace (Marti), Tottenham (Marti), Chelsea (Minan).
12. Wolves
Kulamada u hadhay = 6 – Burnley (Minan), West Brom (Marti), Brighton (Minan), Tottenham (Marti), Everton (Marti), Manchester United (Minan).
13. Crystal Palace
Kulamada u hadhay = 6 – Leicester City (Marti), Man City (Minan), Sheffield United (Marti), Aston Villa (Minan), Arsenal (Minan), Liverpool (Marti).
14. Southampton
Kulamada u hadhay = 5 – Leicester City (Minan), Liverpool (Marti), Fulham (Minan), Leeds (Minan), West Ham (Marti), Tottenham (Marti).
15. Newcastle
Kulamada u hadhay = 6 – Liverpool (Marti), Arsenal (Minan), Leicester City (Marti), Man City (Minan), Sheffield United (Minan), Fulham (Marti).
16. Brighton
Kulamada u hadhay = 6 – Sheffield United (Marti), Leeds (Minan), Wolves (Marti), West Ham (Minan), Man City (Minan), Arsenal (Marti).
17. Burnley
Kulamada u hadhay = 6 – Wolves (Marti), West Ham (Minan), Fulham (Marti), Leeds (Minan), Liverpool (Minan), Sheffield United (Marti).
18. Fulham
Kulamada u hadhay = 5 – Chelsea (Marti), Burnley (Minan), Southampton (Marti), Manchester United (Marti), Newcastle (Minan).
19. West Brom
Kulamada u hadhay = 7 – Leicester City (Marti), Aston Villa (Marti), Wolves (Minan), Arsenal (Marti), Liverpool (Minan), West Ham (Minan), Leeds (Marti).
20. Sheffield United (Heerka labaad ayay u degtay)
Kulamada u hadhay = 6 – Brighton (Minan), Tottenham (Marti), Crystal Palace (Minan), Everton (Minan), Newcastle (Marti), Burnley (Minan).