Korona Fayras Oo Saf Ka Maraya Xiddigaha Real Madrid &

Xiddiga Real Madrid Luka Jovic ayaa laga helay cudurka safmarka ah ee Korona Fayras.

Weeraryahanka 22 sanno jir ah ayaa seegi doona kulanka horyaalka La Liga ee ay todobaadkan la ciyaarayaan kooxda Villarreal.

Jovic ayaa labo gool dhaliyay intii uu ku maqnaa xulka dalkiisa Serbia iyagoo 5-0 kaga badiyay xulka Ruushka.

Wuxuu ciyaaray 90ka daqiiqo ee kulankaas ka tirsanaa tartanka UEFA Nations League.

Warbixin ay Real Madrid soo saartay ayaa lagu yiri:

“Real Madrid waxay xaqiijineysaa in ciyaaryahankeena Luka Jovic laga helay Korona Fayras ka dib baaritaan lagu sameeyay saaka oo Jimce ah.”

Warkaan ayaa imaanaya xilli saaxiibkiisa kooxda Eden Hazard uu ku soo laabtay tababarka ka dib markii uu soo dhameystay karantiil uu ku jiray markii laga helay Korona Fayras.

Real Madrid ayaa hore u xaqiijisay in Hazard iyo xiddiga khadka dhexe Casemiro in labaduba uu ku dhacay cudurkaan.

Warkaan ayaa imaanaya lix maalmood ka dib markii xiddiga Real Madrid Eder Militao isna laga helay fayraska ka dib baaritaankii lagu sameeyay.

Luka Jovic ayaa maqnaan doona ugu yaraan 10 maalmood uu karantiil galayo, waxayna niyadjab ku tahay tababare Zidane oo ka walwalsan dhaawaca Karim Benzema.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More