Khilaafkii U Dhexeeyey Kylian Mbappe Iyo Olivier Giroud Oo Heer Kale U

Khilaafkii u dhexeeyey labada weeraryahan ee reer France ee Kylian Mbappe iyo Olivier Giroud ayaa wali taagan, xilli dalkaasi isku diyaarinayo kulanka adag ee caawa ay la ciyaarayaan Germany ee tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020.

Tababare Didier Deschamps ayaa la kulmaya madax-xanuun iyo arrin uu xal u la’yahay oo ah khilaafka ka dhex taagan labadan ciyaartoy oo sii xumaaday markii uu Mbappe warbaahinta ka bixiyey jawaabtii laga sugayay oo uu ku weeraray Giroud.

Arrintan oo ka bilaabatay markii uu Olivier Giroud telefishan u sheegay in ciyaartoyda weerarka ee Faransiisku aanay kubadda u dhiibin marka uu xerada ganaaxa galo, ayaa waxa si gaar ah loogu turjumay inuu hadalka ula jeeday Kylian Mbappe, waxaanu laacibka da’da yar isaguna hor-yimid telefishanka, waxaanu su’aal geliyey dadnimada Giroud isagoo sheegay, in arrintii ay ahayd inuu kaga hadlo qolka lebbisku uu warbaahinta la hor yimid.

Karim Benzema iyo Paul Pogba ayaa arrintan hore wax looga weydiiyey, waxaanay ku adkaysteen in ay tahay dareen ciyaartoy galay oo dhamaaday, waxaana sida ugu diblomaasisan uga hadlay Karim oo tilmaamay in ciyaartoy kasta oo garoonka ku jira uu dareemo in kubbado ay ahayd in la siiyo loo geeyey ciyaartooyo kale.

Si kastaba, Hugo Lloris ayaa noqday ciyaartoygii ugu dambeeyey ee ka hadlay arrintan, waxaana uu sheegay, in hadda aanay jirin loollan gudaha ah oo u dhexeeya Kylian Mbappe iyo Olivier Giroud.

“Mbappe iyo Giroud waxay galeen dood gaaban laakiin taasi waa caadi, mana aha wax aan hore u dhicin. Waxa jirta kala fikir-duwanaan qolka lebbiska ah, waana wax dhaca.” Ayuu yidhi Hugo Lloirs.

Isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu Hugo Lloris yidhi: “Kooxda wax dhibaato ah uma keenayso, waxaananu xaaladdan ula tacaalaynaa sida ugu wanaagsan.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More