Kabtanka Cusub Ee Real Madrid Oo Waraysigii U Horreeyey Bixiyey & Waxa

Kabtanka cusub ee Real Madrid ee Marcelo ayaa bixiyey waraysigii ugu horreeyey kaddib markii uu xilka kooxdaas ka beddelay Sergio Ramos oo ka tegay xagaagii, waxaana uu ka hadlay arrimo muhiim ah oo la xidhiidha shaqadiisa, masuuliyadaha saaran iyo sidii uu u arkay iscasilaaddii Zinedine Zidane.

Marcelo oo ay da’diisu tahay 33 jir ah ayaa sida uu sharciga kooxdu dhigayo, waxa uu si toos ah u noqday kabtanka cusub ee dhaxlaya Sergio Ramos, maadaama uu yahay ciyaartoyga labaad ee ugu waqtiga dheer. Laacibkan ayay u tahay sannadkiisii 16aad ee uu ka ciyaarayo Real Madrid oo uu yimid bilowga sannadkii 2007.

“Sharaf iyo masuuliyad weyn ayay ii tahay in aan noqdo kabtanka kooxda ugu weyn adduunka. Nasiib weyn ayay ii tahay.” Ayuu yidhi Marcelo.

“Marka aad tahay ciyaartoy Real Madrid ah, waxa aad maalin walba lasoo kacaysaa doonis guuleed oo buuxda, waanay sii kordhaysaa maalinba maalinta ka  dambaysa. Anigu waqti dheer ayaan joogay halkan, walina damacaygu wuu korayaa. Run ahaantii, waxa aan rajaynayaa in aan bilowdo xilli ciyaareed cusub.

“Xilli ciyaareed kasta wax badan ayaan bartaa, mar walbana waxa jira wax cusub. Xataa waan kasii farxad badanahay xilli ciyaareedkan sababtoo ah waxaan ahay kabtanka Real Madrid. Waa riyo ii rumowday anigoo wax walba u sameeyey sidii aan halkan u joogi lahaa waqti dheer.”

Marcelo waxa uu sheegay in uu yahay afhayeenka kooxda, isagoo soo qaaday iscasilaaddii Zinedine Zidane oo uu sheegay inay ahayd mid ka dhalatay xilli ciyaareed aanay wax koob ah ku guuleysanin

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More