Juventus Oo Lagu Dhegay, Inter Milan Oo Guuleystay, Bayern
Bayern Munich ayaa sii xajisatay hogaankeeda labada dhibcood ee horyaalka Bundesliga ka dib markii kooxda tababare Hansi Flick ay guul soo laabasho ah ka gaartay kooxda Stuttgart.
- Advertisement -
Lassana Coulibaly ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Stuttgart ka dib kubad rogeelcelis degdeg ah oo ay soo qaadeen.
Kingsley Coman ayaa u barbareeyay Bayern Munich ka hor inta uusan darbo hoogan hogaanka ugu dhiibin Robert Lewandowski isla qeybtii hore ee ciyaarta.
Xiddiga amaahda uga soo maqan Juventus Douglas Costa ayaa goolka seddexaad u saxiixay Bayern Munich.
Waxay labo dhibcood ka sareeyaan kooxda RB Leipzig kuwaasoo 2-1 kaga soo badiyay kooxda Arminia Bielefeld.
Waxay sidoo kale afar dhibcood ka sareeyaan kooxda kaalinta seddexaad ee Borussia Dortmund oo guuldarro 2-1 ay ka soo gaartay Cologne.
Ellyes Skhiri ayaa labada gool u dhaliyay kooxda Cologne ka hor inta uusan Dortmund gool u soo celinin Thorgan Hazard ciyaarta oo 15 daqiiqo ka harsan.
Dhanka horyaalka Talyaaniga kooxda Inter Milan ayaa weli daba joogta AC Milan iyagoo ku jira kaalinta labaad ka dib markii ay 3-0 maanta ku garaaceen kooxda Sassuolo.
14 daqiiqo markii ay socotay ciyaarta waxay Inter ku hogaamineysay 2-0 iyadoo Alexis Sanchez uu hogaanka u dhiibay ka hor inta uusan gool iska dhalinin Vlad Chiriches ka hor inta uusan qeybtii labaad ciyaarta hurdo u dirin Roberto Gagliardini.
Inter waxay leedahay 18 dhibcood iyagoo labo dhibcood ka hooseeya kooxda hogaanka heysa ee AC Milan oo kulan uu u sii harsan yahay iyagoo berri Fiorentina.
Dhanka kale Juventus oo nasasiisay Cristiano Ronaldo ayaa weli caga jiid ku jirta iyagoo barbaro 1-1 kala kulmay kooxda Benevento. Juventus ayaa hogaanka ciyaarta ku hormartay markii uu shabaqa u soo taabtay Alvaro Morata laakiin waxaa kooxda martida loo ahaa u barbareeyay dhamaadkii qeybta hore Gaetano Letizia.
Dhanka kale kooxda Atletico Madrid ayaa hogaanka La Liga la qabatay Real Sociedad ka dib markii ay 1-0 ku suuldaareen kooxda Valencia oo marti loogu ahaa garoonka Mestalla.
Goolka kaliya ee ay ku badisay Atletico waxa uu ahaa gool uu iska dhaliyay Toni Lato.
Atletico ayaa 23 dhibcood waxay la wadaagtaa kooxda kaalinta koowaad ku jirta ee Real Sociedad.