Jurgen Klopp Oo Ka Argagaxay Qorshaha Virgil van

Virgil van Dijk iyo Liverpool ayaa u muuqda kuwa isku dhici doona madaama uu daafaca qorsheynaya inuu xulka Netherlands ku hogaamiyo xagaagan koobka Qaramada Yurub.

Van Dijk ayaa dhaawac ku maqnaa inta badan xilli ciyaareedkan ka dib markii uu dhaawac halis ah ka soo gaaray kulankii Everton ee bishii October ee sannadkii la soo dhaafay.

Xiddiga reer Holland lama filayo inuu ciyaaro xilli ciyaareedkan iyadoo Jurgen Klopp uu doonayo inuu daafaciisa si xoogan isagu diyaariyo xilli ciyaareedka soo socda ee 2021-22 islamarkaana si buuxda uga qeyb qaato kulamada ay kooxda isagu diyaarineyso xilli ciyaareedka cusub.

Si kastaba, wargeyska Daily Mirror ayaa sheegaya in Van Dijk uu doonayo inuu xagaagan dheelo koobka Qaramada Yurub taasoo la sheegay inay argagax gelisay Klopp iyo shaqaalaha caafimaadka kooxda.

Van Dijk ayaa sarre u qaaday isbuucyadii ugu danbeysay soo kabsashadiisa isagoo bilaabay inuu ordo laakiin Liverpool ayaa ku adkeysaneysa in soo laabashadiisa ay noqon doonto mid uu u dheelo kooxda ee uusan u dheelin xulka wadankiisa.

Tababaraha xulka Netherlands Frank de Boer ayaa la sheegay inuu durbaba u balanqaaday Van Dijk inuu ku soo darayo liiska xulka Holland ee koobka Qaramada Yurub.

Koobka Qaramada Yurub oo dib loo dhigay sannadkii hore ayaa bilaaban doona 11ka bisha Juun ee sannadkan iyadoo Netherlands ay ciyaari doonto labo maalmood ka dib marka uu tartanka furmo iyagoo la dheelaya xulka Ukraine.

29 jirka Van Dijk ayaa looga digay inuu ku soo degdegin garoonka iyadoo dhakhtar ku takhasusay noocii qaliin uu maray oo lagu magacaabo Bas Pijnenburg uu sheegay inuu aaminsan yahay in xiddiga reer Holland uu halis isgelin doono haddii uu ciyaaro ciyaaraha qaramada Yurub.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More