Jörgen Klopp waxaa ceyrin doona Liverpool

Liverpool ayaa albaabka u furi doonta 7 ka mid ah ciyaartoydeeda xagaagan, kuwaas oo ay iibin doonaan si ay lacag ugu helaan suuqa kala iibsiga.

Sida laga soo xigtay Athletic, tababare Jurgen Klopp ayaa durbaba go’aansaday inuu iibiyo cunugga Ben Woodburn, kaasoo horay loogu arkay inuu yahay mid ka mid ah ciyaartoyda mustaqbalka leh ee Anfield. Waxa uu Jurgen Klopp ka doonayo ciyaartoydiisa haatan macquul ma ahan.

Ben Woodburn ayaa hogaamin doona darsin ciyaartoy oo kale, laakiin waa ciyaartoy ay ku adkaan doonto taageerayaasha inay arkaan isaga oo koox kale u ciyaaraya oo macasalaameynaya Reds.

Shuruudda keliya ee cunuggu kaga tegi karo Anfield waa haddii dalabku waxtar leeyahay.

Laacibkan oo kulankiisii ​​ugu horreeyay ee Liverpool saftay sanadkii 2016, ayaa taariikhda kooxda ku galay inuu ahaa ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee abid goolal u dhaliya Liverpool, waxaana ku amaanay Steven Gerrard inuu yahay “laacib cajiib ah”.

Waxa uu sidoo kale xagaagan ka tagi doonaa kooxda Liverpool iyada oo uu Goolhaye Adrian qarka u saaran yahay in uu si xor ah ugu biiro isaga oo markii hore ogolaaday in uu si xor ah ugu biiro Anfield.

Tababare Jurgen Klopp ayaa sidoo kale go’aansaday inuu suuqa ka fasaxo Marko Grujic, Harry Wilson, Sheyi Ojo, Xherdan Shaqiri iyo Divock Origi.

Ciyaaryahanadda ayuu tababaraha ku tilmaamay kuwa aan waxtar u laheyn kooxda qaarna ayba amaah ku joogaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More