Jordan Henderson Oo Kashifay Wixii Uu Danny Welbeck Ka Yiri
Jordan Henderson ayaa sheegay in Danny Welbeck uu u sheegay isaga in rigooradii loo dhigay Brighton ee lagu barbareeyay Liverpool ionay qalad aheyd.
Kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League ayaa labo gool ay dhaliyeen Mohamed Salah iyo Sadio Mane laga diiday laakiin waxay u muuqdeen kuwa ku badinaya gool uu u saxiixo Diogo Jota.
Si kastaba, Brighton ayaa ku badbaaday rigoore uu u dhigay garsoore Stuart Attwell isagoo adeeganaya VAR ka dib markii uu Andy Robertson lugaha isagu dhuftay Welbeck isagoo ku jira xerada ganaaxa.
Garsooraha ma uusan dhigin rigoorada markii hore laakiin markii ay VAR hubisay ayuu isna ka hubiyay shaashada dhinac taala garoonka isagoo go’aansaday inay rigoore tahay.
“Guusha anaga ayaa iska lahey. Seddex dhibcood inaan qaadano ayay aheyd fekrad ahaanteyda. Waan arkay ku celiska. Kumaa ku faraxsanaanaya? ma aheyn rigoore” ayuu Henderson u sheegay BT Sport ciyaarta ka dib.
“Waxaan dareemayaa sida inaan isbuuc walba soo istaageyno halkaan islamarkaana ka wada hadleyno dhacdooyinka VAR. Ma doonayo inaan dhibaato qoorta gashto laakiin aniga ahaan rigoore ilama aheyn.
“Danny Welbeck wuxuu ii sheegay inaysan rigoore aheyn. Waxaa jiray afar ama shan xiddig oo iyaga ka tirsan oo dareensanaa inaysan rigoore aheyn.
“Inuu ka noqdo go’aankiisa hore waxay u baahan tahay inay wax walba cad yihiin. Miyay aheyd rigoore cad oo uu shaashada ku hortago islamarkaana ka laabto go’aankiisa hore.
“Sida cad garsoorayaasha iyagaa naga yaqaana laakiin wiilasheena waa ay dadaaleen maanta, waxayna u qalmeen seddexda dhibcood.”