Isku Aadka Isreebreebka Koobka Adduunka Xulalka Yurub Oo La
Waxaa goordhow la soo saaray isku aadka isreebreebka Koobka Adduunka ee xulalka Yurub iyadoo uu bilowday wadadii ay xulalka Yurub ugu soo bixi lahaayeen Koobka Adduunka ee 2022 lagu qabanayo dalka Qatar.
Xulalka waa weyn ayaa inta badan kala badbaaday iyadoo group walba ay ku jiraan shan xul.
Tobanka xulka ee ku dhameysta kaalinta koowaad ee Group-yadaan ayaa si toos ah ugu soo bixi doona Koobka Adduunka ee 2022 halka 10ka kooxood ee kaalinta labaad ku dhameysta ay geli doonaan wareeg labaad oo isreebreeb ah.
Isreebreebka Koobka Adduunka ee xulalka Yurub wuxuu bilaabanayaa dhamaadka bisha March ee sannadka soo socda, wuxuuna soo gabagaboobi doonaa 12 bilood ka dib waqtigaas.
Group A
Portugal
Serbia
Republic of Ireland
Luxembourg
Azerbaijan
Group B
Spain
Sweden
Greece
Georgia
Kosovo
Group C
Italy
Switzerland
Northern Ireland
Bulgaria
Lithuania
Group D
France
Ukraine
Finland
Bosnia and Herzegovina
Kazakhstan
Group E
Belgium
Wales
Czech Republic
Belarus
Estonia
Group F
Denmark
Austria
Scotland
Israel
Faroe Islands
Moldova
Group G
Holland
Turkey
Norway
Montenegro
Latvia
Gibraltar
Group H
Croatia
Slovakia
Russia
Slovenia
Cyrpus
Malta
Group I
England
Poland
Hungary
Albania
Andorra
San Marino
Group J
Germany
Romania
Iceland
North Macedonia
Armenia
Liechtenstein
Dhanka kale waxaa iyadana la xaqiijiyay taariikhda la ciyaari doono Koobka Adduunka ee 2022 ka dhacaya dalka Qatar.
Nov 21, 2022: Kulanka ugu horeeya ee Koobka Adduunka ayaa la ciyaarayaa.
Dec 2, 2022: Ciyaaraha ugu danbeeya ee wareega group-yada ayaa la dheeli doonaa
Dec 3, 4, 5, 6 2022: Wareega 16ka ayaa la ciyaari doonaa.
Dec 9 & 10 2022: Wareega 8da ayaa la dheeli doonaa
Dec 13&14 2022: Kulamada semi-finalka ayaa la ciyaari doonaa
Dec 18 2022: Finalka Koobka Adduunka ayaa la dheeli doonaa