“Iska Iibiya Pogba Oo Lasoo Saxeexda…” – Ku-xigeenkii Alex Ferguson

Tababare ku-xigeenkii hore ee Manchester United ee waqtigii Sir Alex Ferguson ayaa kula taliyey Pink Devils in xagaagan ay iska iibiyaan laacibka reer France ee Paul Pogba, isla markaana lacagta ay ka helaan ay u adeegsadaan in ay dib ugu dhisaan kooxda si ay ugu guuleysan karaan horyaalka Premier League.

Manchester United ayaa xilli ciyaareedkan kaalinta labaad ee horyaalka Premier League ku dhamaysanaysa, waxaanay horumar kasoo sameeyeen boosaskii ay ku jireen toddobadii sannadood ee ugu dambeeyey ee ay daalaa-dhacayeen, waxayse u baahan yihiin in ay soo qabtaan Manchester Metropolis oo awood ahaan aad uga sarraysa.

United ayaa xalay guul-darro 4-2 ah waxay kala kulantay Liverpool, taas oo ay uga sii horreysay khasaare kale oo 2-1 ah oo Previous Trafford ay ugu xambaarisay Leicester Metropolis habeenkii Salaasada, waxaanay taasi muujinaysaa in kooxdu u baahan tahay in ay si fiican isku dhisto.

Solskjaer ayaa kulankii xalay, waxa uu garabka bidix ka ciyaarsiiyey Paul Pogba, iyadoo khadka dhexena ay wada taagnaayeen Fernandes, Fred iyo McTominay, laakiin waxa halkaas kaga habboonaan lahaa in uu ka dheelsiiyo ciyaartoy farsamo iyo orod badan, amaba uu khadka dhexe ee booskiisa dabiiciga ah uu kusoo celiyo kubbad-sameeyaha reer France.

Gacan-yarihii Sir Alex Ferguson ee Rene Meulensteen ayaa rumaysan in Pogba uu dheelli ku samaynayo kooxda, taas darteedna ay tahay in ay iibiyaan, si ay uga helaan lacag ay kusoo iibsadaan laacibiin kale oo sannado badan usii ciyaari kara Pink Devils.

Rene Meulensteen  waxa uu tibaaxay in Pogba oo Manchester United ay £89 kaga soo iibsatay Juventus sannadkii 2017 ay tahay in la iibiyo hadda maadaama qandaraaskiisa sannad kali ahi ka hadhsan yahay.

“Solskjaer wuxuu jecel yahay in uu ku ciyaaro laba dhex dambe ah Fred iyo McTominay. Sababta uu sidaa u samaynayaa waa in uu ilaaliyo afarta dambe ee difaaca laakiin waxay u baahan yihiin ciyaartoy khadka dhexe ah oo fursado badan abuuri kara, sida Ferdinandinho oo kale uu Man Metropolis u sameeyo, amaba Fabinho oo Liveprool ah.” Ayuu yidhi Rene Meulensteen.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaa ku daray: “Pogba dheelli ayuu ku samaynayaa  kooxda sababtoo ah waa in uu ciyaaro, kamana ciyaari karayo boosaska labada dhexda dambe (Fred & McTominay). Ma qaban karayo shaqada difaaca ee orodka badan, waa sax in aad ka ciyaarsiiso dhinaca bidix oo aad isku daydo wax cusub, laakiin ma hubo inuu wax samaynayo. Sida ugu fiicani waa in la iibiyo oo lacagtana ay kooxdu ku doonato waxa ay u baahan tahay.”

Meulensteen waxa uu magacaabay laacibka ay tahay in Manchester United ay ku beddesho Pogba, waxaanu yidhi: “Declan Rice waa ciyaartoy aad u yar oo soo baxaya, laakiin in Manchester United aad u ciyaarto means ka duwan tahay oo toddobaadna aad ku jirto, toddobaadna aad maqnaato, mana hubo in uu u ciyaari karayo Man United. Waxay u baahan yihiin ciyaartoy sida Grealish oo kale ah oo leh HIDDE-SIDE-hii (DNA) uu ugu ciyaari lahaa Manchester United.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More